“Ma Doonayo Inaan Tago, Waxaan Doonayaa….” – Mid Kamida Xiddigaha

Goolhayaha kooxda Arsenal ee Bernd Leno oo kamid ah xiddigaha kooxdaas kuwooda ugu bandhiga wanaagsan sanadahan dambe ayaa qashinka ku daray wararka sheegaya inuu ka tagayo kooxdaas.

Goolhayaha German-ka ah ayaa ahaa goolhayaha dookha koowaad ee Arsenal xilli ciyaareedkan oo ku ahaa midd qalbi-jab leh kaas oo ay markii ugu horreysay mudo 25 sano kaddib ah seegayaan tartamada Yurub.

Warar soo baxay toddobaadkii hore ayaa sheegayay in Leno uu yahay mid kamida xiddigaha aan ku faraxsanayn in kooxdu ay meel dhexaad ka fadhido miiska kala sarreynta horyaalka isla markaana uu doonayo inuu iskaga tago waqooyiga London.

29 sano jirkaas ayaa wargeyska ree Germany ee Sport1 u sheegay inuusan doonayn inuu kooxda ka tago balse uu taas bedelkeeda rabo inuu mid ku najaxa kooxda noqdo.

“Anigu ma doonayo inaan ka tagi halkan, waxaan dareemayaa wanaag waxaanan doonayaa inaan markale la guuleysto Arsenal” ayuu ugu horreynba yidhi Bernd Leno.

“Arsenal waa koox weyn oo aad looga qadariyo Arsenal, waxa jira taageerayaal badan oo Arsenal ah oo dunida oo dhan jooga, wali laba sano ayaa iiga dhiman qandaraaskayga waxaanan rajaynayaa inaan markale Champions League kala ciyaaro Arsenal”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More