RASMI: Guuleystaha Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Xilli

Da’yarka kooxda Chelsea ee Mason Mount ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sanadka ee kooxdiisa kaddib xilli ciyaareed qurxoon oo uu soo qaatay.

Mason ayaa ahaa mid qaab fiican uga hoos ciyaaray Frank Lampard iyo Thomas Tuchel labadaba isaga oo ah ciyaaryahanka daqiiqadaha ugu badan u ciyaaray Blues tartamada oo dhan.

Sidoo kale natiijada weerarka ee Mount ayaa ahayd mid wanaagsan xilli ciyaareedkan isaga oo 9 gool iyo 7 caawimo kasoo sameeyay tartamada oo dhan, waa xiddiga labaad ee ugu goolasha badan kooxda kaddib Timo Werner.

Haddii ay Chelsea ku ciyaarayso shaxda 4-3-3 amaba 3-4-3 ayuu Mount ahaa mid si isku mid ah bandhig fiican ugu samaynayay khadka dhexe iyo safka weerarka labadaba.

Guuleystayaasha Tobbankii Sano Ee Ugu Dambeeyay Ee Abaalmarinta Xiddiga Sanadka Chelsea

Petr Cech

Juan Mata

Juan Mata

Eden Hazard

Eden Hazard

Willian

Eden Hazard

N’Golo Kante

Eden Hazard

Mateo Kovacic

Mason Mount

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More