SADDEXDA Wargeys Ee Ugu Miisaanka Culus Talyaaniga Oo Isku Raacay

Xilli ciyaareedka kooxda Juventus ayaa gaadhay heer aad u xun Axadii xalay ahayd kaddib markii ay guuldarro 3-0 ah kala kulmeen dhigooda AC Milan oo marti ugu ahayd gegida Allianz Stadium.

Faqradii saaka soo baxday ee wargeysyada Talyaaniga ah ayaan ahayn mid caawinaysa shaqsiyaadka ku hareeraysan Juventus gaar ahaan tababare Andrea Pirlo.

Pirlo ayaa ugu horreynba wax awood ah u yeelan waayay inuu markii 10-aad ee xidhiidh ah horyaalka Serie A ku guuleeyo Juventus, sidoo kale hadda ayuu shaki weyni ku jiraa haddiiba ay Champions League ka ciyaarayaan xilli ciyaareedka dambe, kaddib ciyaartii xalay ayay booska 5-aad fadhiyaan.

Aan ku bilawnee wargeyska Correire dello Sport ayaa ugu horreynba shaaciyay in Andrea Pirlo laga caydhinayo shaqada Bianconeri iyagoo bogga hore kusoo qoray qoraalka ah “Pirlo BAX”

Wargeyska ayaa intaas ku daraya in Juve ay khamaar ku galayso saddexda kulan ee horyaalka uga hadhsan, kulankooda ugu horreeya ayaa ah Arbacada marka ay Sassuolo booqanayaan kahor inta aysan kulanka xiga Inter Milan oo horyaalka ku guuleysatay la ciyaarin.

Dhinaca kale wargeyska Tuttosport ayaan isaguna ka farxin Pirlo isaga oo bogga hore kusoo qoray “Goodbye Pirlo” isla markaana bandhigii Juventus ee xalay ku sifeeyay mid aan la daawan karin.

Dhinaca kale wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in waxkasta oo dhaca saddexda kulan ee Juventus uga hadhsan horyaalka aysan wax saamayn ah yeelan doonin isla markaana go’aanka ah in kooxda laga caydhiyo horeba lavatory gaadhay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More