“Waxaan Ku Dhawaa Barcelona Waxaanan La Hadlay Messi Laakiin……” –

Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu ku biiro kooxda Barcelona oo si culus loola xidhiidhinayay xilli ciyaareedkii 2019-20.

Xiddiga ree Argentina ayaa u muuqday mid haya wadadii uu kaga baxayay San Siro Stadium isla markaana u wareegaya Camp Nou isaga qudhiisa ayaana hadda qirtay inuu ku dhawaa inuu heshiiskaasi dhaco.

Lautaro ayaa sheegay inuu xataa gaadhay heer uu heshiiska uu Barca ugu wareegayo kala sii hadlo kabtankeeda Lionel Messi oo ay Argentina kasoo wada jeedaan balse uu qorshahaasi sababo dhaqaale xumo kooxda haysatay u fuli waayay.

“Anigu dhab ahaan waan ku dhawaa Barcelona, waxaan la hadlay Lionel Messi laakiin dhibaatooyin dhaqaale ayay qabeen waxaanan go’aansaday inaan sii joogo”

Xiisaha Barcelona uga imanayay ahaan ahayn markii ugu horreysay ee uu ku dhawaaday koox Spanish ah balse sidoo kale Actual Madrid ayaa isku day-day saxeexiisa markii uu kooxda Racing u ciyaarayay.

“Solari ayaa joogay Actual Madrid Castilla waxaana uu yimid isaga oo i raadinaya, maan dareemin inaan sidaas oo dhan u fogaado, heshiis ayay isoo bandhigeen laakiin diyaar inaan ahay ma dareemayn”

Dhinaca kale Martinez oo ka hadlayay hanashada horyaalka ee kooxdiisa ayaa yidhi “Tan waxaan ku riyoonayay ilaa carruurnimadaydii, waxaan filayaa inaan ku saxsanaa inaan joogo sababtoo ah koob ayaan ku guuleystay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More