RASMI: N’Golo Kante Oo Laga Waayey Kooxda Toddobaadka Ee Champions

UEFA ayaa magacowday kooxdii ugu wanaagsanayd tartanka Champions League toddobaadkan, waxaanay dhamaantood ka kooban yihiin labada kooxood ee iskugu soo hadhay finalka ee Chelsea iyo Manchester United.

Chelsea ayaa xalay garaacday Actual Madrid, waxaanay la ballantay Manchester Citiy oo Salaasadii kusii tumatay Paris Saint-Germain.

UEFA ayaa kaddib kulamadan, waxay soo saartay shaxda kooxdii ugu fiicnayd tartanka Champions League ee labadii kulan ee toddobaadkan, waxaana liiska laga waayey xiddigii Chelsea ugu wanaagsanaa ee N’Golo Kante.

Xiddiga reer France ayaa burburiyey khadka dhexe ee Actual Madrid ee Toni Kroos, Luka Modric iyo Casemiro, iyadoo uu labadii gool ee kooxdiisu dhalisayna isagu kasoo shaqeeyey.

Shaxda kooxda UEFA ay soo xulatay ayaa waxay ka kooban tahay 5-1-3-1 oo ah midda ay Chelsea inta badan ku ciyaaraysay intii uu joogay Thomas Tuchel, waxa booskii N’Golo Kante soo galay Mason Mount, halka Kai Havertz uu kubbad-sameeyaha No.10 lagu qoray.

Goolhaye Mendy ayaa ka hormaray Ederson.

Shaxda kooxda usbuuca oo dhamaystiran waa sidan:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More