Labada Kooxood Ee Uu Cristiano Ronaldo Kala Dooran Doono, Actual Madrid

Waxa maalinba maalinta xigta sii kordhaya wararka sheegaya in weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo uu iskaga tagayo kooxdaas iyadoo shuruuda cusub ee kusii qasbaysa inuu iskaga cararo kooxdaasi ay tahay haddii kooxdu ay Champions League usoo bixi waydo xilli ciyaareedka dambe.

Wargeyska Talyaaniga ah ee Tuttosport ayaa shaaca ka qaaday in laba kooxood oo uu Ronaldo mid ahaan ku biiri karaa ay kala yihiin Paris Saint-Germain amaba ku laabashada kooxdiisii hore ee Manchester United.

Juventus ayaa doonaysa inay Ronaldo sii haysato ilaa sanadka dambe ee 2022 balse haddiiba ay ku dhacaan usoo bixitaanka CL ayay dhaqaale ahaan ku adkaan doontaa inay mushaharkiisa bixiyaan.

Ronaldo ayaa Juventus mushahar ahaan uga qaata 31 Milyan oo euro sanadkii, ka ciyaarista UEFA Europe League ayaan siin doonin dakhli lamid ah midka Champions League.

Ronaldo ayaa Champions League kusoo guuleystay shan jeer – Afar jeer oo uu Actual Madrid la qaaday iyo hal mar oo uu Man United la hantay – waxa haatanba sii yaraanaya fursada uu midkiisii lixaad ugu guuleysan karo.

Saddexda xilli ciyaareed ee uu ku qaatay Juventus iyo carriga Talyaaniga, saddexda kooxood ee ka reebay CL ayaa kala ahaa Ajax, Porto iyo Lyon taas oo qalbi-jabka 36 sano jirkaas sii xoojisay.

Juventus ayaa hadda booska afraad kaga jirta miiska kala sarreynta horyaalka Serie A iyaga oo dhibco la wadaaga kooxda booska saddexaad ee Napoli iyo waliba kooxda booska shanaad ee AC Milan.

Kulamada Juve uga hadhsan horyaalka ee lagu go’aamin doono haddii ay CL usoo baxayaan xilli ciyaareedka dambe ayaa kala ah Udinese, AC Milan, Sassuolo, Inter Milan iyo Bologna.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More