CAJIIB: Rekoodhka Aan Cid Kale Zidane Ka Haysan Ee Uu Tuchel Kaligii

Tababare Zinadine Zidane ayay u taalaa shaqo badan oo ah inuu isku caddeeyo Thomas Tuchel kulanka labada kooxood dhex maraya habeen dambe, macalinka ree Germany ayaa ah tababaraha kaliya ee uu Zidane kahor tagay ugu yaraan saddex kulan ee uusan wali wax guul ah ka gaadhin.

Guud ahaan Zidane iyo Thomas ayaa isasoo arkay 4 kulan iyadoo saddex kamid ah kulamadaasi bar-bardhac ku dhammaadeen halka kulanka kale uu Tuchel guuleystay.

Ugu horreynba markii ugu horreysay ee ay Champions League isku arkeen Tuchel iyo Zidane ayaa ahaa xilli ciyaareedkii 2016-17 markaas oo ay Actual Madrid horyaalka iyo Champions League ku wada guuleysatay.

Los Blancos ayaan ahayn kuwo dhibco badan lumiyay xilli ciyaareedkaas balse laba kulan oo heerka Group-yada ah oo ay Borussia Dortmund oo uu Thomas Tuchel hoggaamiye u ahaa la ciyaareen labadaba bar-bardhac la galay

Labada kulanka Zidane iyo xiddigahiisa ayaa guusha iska lumiyay iyagoo kulankii hore goolka bar-bardhaca in laga dhaliyo daqiiqadii 87-aad ogolaaday halka ciyaartii dambe ee Bernabeu daqiiqadii 88-aad markale lala bar-bareeyay iyaga oo waliba hoggaan 2-0 ah haystay.

Kulankii ugu dambeeyay ee dhex maray TT iyo ZZ ayaa ahaa xilli ciyaareedkii 2019-20 markaas oo uu Tuchel PSG joogay iyagoo isku arkay markale wareega Group-yada ee CL.

Paris ayaa si raaxo leh 3-0 ugu garaacday Actual Madrid ciyaartii hore ee Parc des Princes ka dhacday kahor inta aysan 2-2 ku bar-barayn Santiago Bernabeu kulan markale ay Los Blancos hoggaan 2-0 ah ku horreeyeen kahor inta aan laba goolba laga daba keenin.

Dhammaan 35 tababare oo uu Zidane ugu yaraan min saddex jeer kahor tagay, Thomas Tuchel ayaa ah tababaraha kaliya ee uusan wali dhinaciisa dhulka dhigin, sidoo kale Tuchel ayaa ah tababaraha kaliya ee uusan Zidane kaga gacan sarreyn guulaha (Dhammaan kulamada fool-ka-foolka ah) dhammaan 35-kaas tababare.

 

Your browser doesn’t assist the audio component.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More