AABAHA JACAYLKA: Ryan Giggs Oo Samaystay Jacayl Cusub Xilli Ay Ku

Ryan Giggs ayaa helay jacayl cusub oo ah iyadoo ay ku socoto maxkamad loosoo taaay xaaskiisii hore ee Kate Greville oo 36 jir ah oo uu dhaawacyo u geystay bishii November iyagoo wada jooga gurigooda halkaas oo ay iskaga guurtay iyadoo wajigeeda dhaawacyo ka muuqdaan.

Xiddigan hore ee Manchester United ayaa  maxkamadda la hor-keenay, waxaanay boolisku soo gudiyeen dhawr eedaymood oo la xidhiidha dhaawacyada uu xaaskiisa Kate u geystay, taas oo ay si dhab ah u kala tageen.

Waxa kale oo dhamaadka bishan April la dhegaysan doonaa dacwad kale oo loo haysto Giggs oo ah in uu waxyeello u geystay gabadh kale oo ay saaxiibo ahaayeen, taas oo uu waliba u adeegsaday xoog waqti ay wada joogeen.

Arrinta burburisay qoyska Ryan Giggs ayaa ahayd in uu gabadh kale la saaxiibay iyadoo ay xaaskiisa Kate Greville joogto.

Shan bilood kaddib markii ay Giggs kala tageen xaaskiisa, waxa uu helay jacayl cusub oo uu bannaanada ula soo baxay isagoo gacanta haysta, waana gabadh 33 jir ah oo quruxleey dharka xayaysiisa ah.

Zara Charles iyo Ryan Giggs ayaa bilihii ugu dambeeyey ay u dhaxaysay sheeko isku beddeshay jacayl, waxaana wargeyska The Sun oo warkan qoray uu tibaaxay in Zara uu dhinaceeda jacaylku ka yimid.

Qof ka ag-dhow Ryan Giggs iyo jacaylkiisa cusub, ayaa wargeyska The Sun u sheegay: “Zara waxay taageeraysay Ryan bilihii ugu dambeeyey. Waa gabadh wanaagsan, waxaanu Giggs u furay arrimihiisa oo dhan. Waxay u muuqdaan in ay hadda aad iskugu xooggan yihiin.”

Jimcihii toddobaadkan ayaa Ryan Giggs laga caydhiyey xulka qaranka Wales  ee uu usoo saaray tartanka Qaramada Yurub, kaddib markii lasoo hor-istaajiyey maxkamadda iyadoo loo haysto kiiska xaaskiisa iyo gabadha kale.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More