Miyay Liverpool U Qalantaa Inay Champions League Usoo Baxo Xilli

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sameeyay qirasho lama filaan ah isaga oo sheegay in kooxdiisu aysan u ciyaarayn sida koox u qalanta inay tartanka UEFA Champions League usoo baxdo xilli ciyaareedka dambe.

Liverpool ayaa markale dhibco muhiim ah lumisay kulankii ay shalay gegida Anfield kusoo dhawaysay dhigeeda Newcastle United ciyaar uu daqiiqadii 3-aad hoggaanka u dhiibay Mohamed Salah kahor inta uusan Joe Willock gool qalbi jabiyay ka dhalin daqiiqadii 95-aad.

Liverpool ayaa xataa nasiib ku lahayd kaddib markii Callum Wilson gool uu dhaliyay laga diiday daqiiqadii 92-aad balse haddana awood u yeelan weyday inay Willock kahor istaagto gool dhibic muhiim ah u keenay Magpies.

Liverpool ayaa bar-bardhacaas ku gashay booska lixaad ee miiska kala sarreynta horyaalka balse hal dhibic ka dambaysa West Ham United oo shanaad ku jirta halka ay kooxda kaalinta afraad ee Chelsea ku jiraan afar dhibcood.

Labadaas dhibcood ee kale ee ay lumisay Liverpool ayaa ah kuwo dhabar-jab weyn ku ah Reds oo sidoo kale uu dhawaan ka fashilmay tartanka European Super League oo ay mulkiilayaashooda iyo inta badan kooxaha waaweyn ee Yurub wadeen ahaana tartan ay dhib la’aan ugu sii bixi lahaayeen.

Klopp ayaa yidhi isaga oo ka hadlaya haddii ay kooxdiisu u qalanto inay tartanka ugu xiisaha badan Yurub ka ciyaarto xilli ciyaareedka dambe “Haddii aad u qalanto waad u qalantaa”

“Anigu maanta ma arag anaga oo u ciyaarayna sidii oo aanu u qalano inaanu ka ciyaarno Champions League xilli ciyaareedka dambe, shan kulan oo kale ayaa noo hadhsan waanaynu arki doonaa, ama wax ayaanu ka baran doonaa (Kulankaas) ama Champions League ma ciyaari doono, waa sidaas”

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More