Nabadoonka reer Muqdisho ah oo ladilay

Muqdisho (Axadle) – Waxyar kahor salaada maqrib, waxaa degmada Kaaraan lagu dilay nabadoon caan ah oo kamid ahaa ergadii soo dooratay baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday afar sano kahor.

Koox hubeysan ayaa Nabadoonka ku dilay agagaarka masaajidka Turkiga oo ku yaal aagga Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C / laahi Ciise Hilowle, wuxuuna ka mid ahaa Golaha Wakiilada, iyadoo askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in dilkan uu dhacay ka dib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo baaritaano ka bilaabay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo Nabadonka lagu dilay..

Ma jirto cid wali sheegatay masuuliyada dilkii C / laahi Hilowle, laakiin Al-Shabaab ayaa in badan baacsanayay odayaasha iyo ergooyinkii soo dhisay baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More