Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona vs Getafe – Koeman Oo Safay Shax Adag

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa  garoonkeeda Camp Nou waxay ku qaabbilaysaa Getafe, waxaana Ronald Koeman uu u baahan yahay in kooxdiisu guuleysato si ay ugu soo dhowaato Atletico Madrid oo siddeed dhibcood ka horreysa iyo Real Madrid oo shan dhibcood ka sarraysa.

Barcelona oo ay laba ciyaarood baaqi u yihiin ayaa haddii ay labada kulan ba guuleysato waxay booska kaalinta labaad kala bixi doontaa Real Madrid oo ay hal dhibic ka sarrayn doonto, halka ay laba dhibcoodna ka  dambaynayso Atletico Madrid.

Ronald Koeman ayaa ciyaartan kusoo bilaabay shax adag oo uu awoodda saaray khadka dhexe oo uu ku ciyaarayo shan laaciib, halka weerarka ay wada joogaan labada xiddig ee Lionel Messi iyo Antoine Griezmann.

Khadka  dhexe ayay wada taagan yihiin Sergi Roberto oo kasoo laabtay dhaawac, De Jong, Sergio Busquets, Jordi Alba iyo Pedri.

Difaaca ayuu kusoo laabtay Gerard Pique oo ka garab ciyaaraya Mingueza iyo Clement Lenglet.

Waxa ciyaartan dhaawac kaga maqan Ousamane Dembele oo maanta laga saaray liiska kooxda, halka Pjanic uu ku caadisan yahay kaydka oo uu inta badan xilli ciyaareedkan ku jiray.

Shaxda rasmiga ah ee Barcelona vs Getafe

Barcelona XI: Ter Stegen; Mingueza, Piqué, Lenglet; Roberto, De Jong, Busquets, Pedri, Alba; Messi, Griezmann

Kaydka: Peña (GK), Arnau (GK), Araujo, Umtiti, Dest, Firpo, Pjanic, Matheus, Moriba, Puig, Trincão, Konrad

Getafe XI: Soria; Iglesias, Djené, Chakla, Chema; Suárez, Maksimovic, Aleñá, Cucurella; Kubo, Rodríguez (4-4-2)

Kaydka: Yánez (GK), Etxeita, Akurugu, Portillo, Arambarri, Copovi, Miranda, Abdulai, Mata, Ünal, Poveda, Niang

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More