Miyuu Harry Kane Kasoo Kaban Doonaa Dhaawaca Ka Hor Kulanka Finalka

Harry Kane ayaa tartan kula jira waqtiga, waxaanu samaynayaa dedaal badan si uu taam ugu noqdo kulanka Finalka EFL Cup ama Carabao Cup ee ay Axadda la ciyaari doonaan Manchester City.

Kabtanka Tottenham ee Harry Kane ayuu shaki weyni ku jiraa taam ahaanshihiisa ciyaara finalka Carabao Cup, kaddib dhaawac kuraanta kasoo gaadhay kulankii Everton ee Jimcihii ay barbarraha 2-2 ku kala baxeen.

Kane oo 27 jir ah, ayaa ka maqnaa ciyaartii ay kooxdiisu 2-1 ku garaacday Southampton Arbacadii, taas oo ahayd ciyaartii ugu horreysay ee tababaraha ku-meelgaadhka ah ee Ryan Mason oo guul ku bilowday.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Ingiriiska, Harry Kane ayaa samaynaya soo kabasho, waxaanu ku guuleysan doonaa in uu ciyaarta Axadda taam u noqdo, taas oo ay Spurs ay rajaynayso in ay kusoo afjarto koobab la’aanta muddada dheer haysatay.

Harry Kane oo aan wax koob ah kula  guuleysanin Tottenham, ayaa ku ducaysanaya in uu soo kabasho sameeyo, kooxdiisana ka caawiyo in 13 sannadood oo ay koobab la’aan ahaayeen uu kasoo afjaro.

Xiddigan hoggaaminaya gool-dhalinta horyaalka Ingiriiska, ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyey 26 gool oo dhamaan tartamada ah oo 21 ka mid ah ay horyaalka yihiin, waxaana soo laabashadiisu ay sare u qaadaysaa fursadda ay kooxdiisu ugu guuleysan karayso tartanka iyadoo haddii uu maqnaadana ay dhaawac weyn ku noqon doonto Spurs.

Tababare Mason oo wax laga weydiiyey dhaawaca Harry Kane ayaa sheegtay in ay rajo weyn ka qabaan in uu taam u noqddo kulanka Man City.

Waxa kale oo Tottenham ay usbuucan dib usoo dhoweyn doontaa difaaceeda Matt Doherty oo kasoo laaabanaya dhaawac.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More