Maxaa Ka Jira In Jose Mourinho Shaqada Tottenham Looga Caydhiyay

Kooxda Tottenham ayaa si rasmi ah goor dhawayd u shaacisay inay xilka tababarenimo ee kooxdeeda ka xayuubisay tababaraha Portuguese-ka ah ee Jose Mourinho iyo dhammaan shaqaalihii tababarka ee ka hoos shaqaynayay.

Spurs ayaa xilli ciyaareedkan dhibane usoo ahaa natiijo xumo iyagoo ka hadhay Europe League oo qaab fool xun looga reebay iyo horyaalka Premier League oo ay kaalinta 7-aad kaga jiraan kaddib 32 kulan oo ay soo ciyaartay.

Kooxda waqooyiga London ayaa Axada kulan muhiim ah la balansan dhigeeda Manchester City oo ay Wembley ku kala qaadi doonaan Carabao Cup balse waxa ay kahor ciyaartaas soo dhawayn doontaa Southampton kulan Premier League ah.

Kaddib caydhinta The Special One, waxa soo baxay warar sheegaya in kooxda looga caydhiyay sabab la xidhiidha inuu diiday inuu tababarka siiyo ciyaaryahanada oo uu kasoo horjeeday tartanka cusub ee ay samaysteen kooxaha waaweyn ee Yurub ee European Super League oo ay Tottenham sidaas darteedna la caydhiyay.

Sida uu hadda sheegayo saxafiga xog ogaalka ah ee Fabrizio Romano, Mourinho ayaan loo caydhin sababtaas balse loo caydhiyay natiijo xumada kooxda dishootay iyo horumar la’aanta ay ku jirtay mudooyinkan.

Tottenham ayaa kaddib shaqo ka caydhinta Jose booska uu baneeyay u magacawday xiddigeedii hore ee Ryan Mason oo kaliya 29 sano jir ah.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More