“Haddii Uusan Messi Joogeen Barcelona…..” – Ramos Oo Qirashadii Ugu

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa dhokumentarigiisa ‘The Legend Of Sergio Ramos’ kaga hadlay qaabka uu kooxdiisa caqabad ugu noqday kabtanka Barcelona ee Lionel Messi sanadihii ugu dambeeyay.

Sergio ayaa aaminsan in Messi uu caqabad ku noqday guulaha kooxdiisa ee sanadihii ugu dambeeyay isla markaana ay Real Madrid wax intaas ka badan ku guuleysan lahayd haddii uusan Leo ahayn ciyaaryahan Barcelona ah.

Ramos ayaa mudada uu joogay Los Blancos kusoo guuleystay afar Champions League balse xaqiiqada ah inuu shan horyaal soo qaaday ayaa ka dhigan inuu haysto kala badhka horyaalada uu haysto Messi.

Ramos oo ka hadlaya Messi iyo sida uu caqabada ugu noqday Madrid ayaa yidhi “Waxaanu kusoo dhibtoonay kahor tagnay Messi sanadahan ugu dambeeyay”

“Haddii aysan Barcelona isaga haysan waxaanu ku guuleysan lahayn intaas wax ka badan, waxa jirtay mar aanu kahor tagi jirnay Barcelona-dii ugu fiicnayd taariikhda, waxaanu haysanay tababare cajiib ah sida Mourinho laakiin anaga way nagu adkayd inaanu iyaga garaacno”

“Anagu in badan maanu guuleysan jirin waxaana jiray dagaalo badan oo ay sababi jireen iyagu amaba anagu” ayuu ka hadalkiisa Messi iyo sida uu koobab uga hor istaagay Real Madrid kusoo xidhay Ramos.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa fooda is-daraya toddobaadkan kulan muhiimad weyn u leh go’aaminta horyaalka La Liga, Barca ayaa hadda booska 2-aad joogta oo 1 dhibic ka dambaysa hoggaamiyayaasha Atletico Madrid halka ay Real Madrid oo booska 3-aad joogta 3 dhibcood lagaga hayo hoggaanka.

Iyadoo ay hubaal tahay in mid ahaan Real ama Barca ay dhibco lumin doonto haddiiba aysan is bar-barayn ayay dhinaca kale Atletico kulan adag la leedahay Real Betis iyadoo uu ka maqnaan doono Luis Suarez oo dhaliyahooda koowaad ahi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More