Skip to content
Friday, October 2, 2026 19 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:36
Muqdisho 26°C
Breaking: Police Arrest Two Robbery-with-Violence Suspects in Garissa Town
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Arsenal Oo Qiratay In Ay Ku Fashilantay Laba Ciyaartoy Oo

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
arsenal-1

Kooxda kubadda cagta Arsenal ma rajaynayso in maanta oo uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagani ay samayso saxeexyo cusub, waxaanay si cad faraha uga qaadday labadii xiddig ay ee ay ku raad joogtayy ee Houssem Aouar iyo Thomas Partey.

Mikel Arteta ayaa hore uga hadlay damaciisa inuu xoojiyo kooxdiisa inta aanu xidhmin suuqu, laakiin waxay u muuqataa in Gunners uu waqtigu ku yaraaday oo aanay heli karayn laacibiintii ay doonaysay.

Tababaraha reer Spain oo la hadlayay warbaahinta Sky Sports ayaa qirtay inay gabaabsi tahay rajadii uu ka qabay inuu lasoo saxeexan doono Aouar oo ay da’diisu tahay 22 jir.

Laacibkan oo ka ciyaara khadka dhexe ee weerarka xigta ayay Lyon ku xidhay heshiiskiisa lacag dhan €60 milyan oo Euro, taas oo noqotay lacag aanay waqtigan Arsenal awood u lahayn inay bixiso.

Dhinaca kale, Atletico Madrid ayaa iska diidday inay aqbasho inay qiimo dhimis ka samayso €45 milyan oo Euro oo ah lacagta lagu burburin karayo heshiiska Thomas Partey.

Atletico oo heshiis amaah ah kagala wareegtay Arsenal laacibka reer Uruguay ee khadka dhexe ka ciyaara ee Lucas Torreira ayaa la filayay inuu samayn ku yeelan doono qiimaha Partey iyo mustaqbalkiisa Atletico intaba, laakiin waxa hadd oo uu sii xidhmayo suuqa iibka ciyaartoydu la sheegayaa in aanay jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo labada kooxood dhexdooda ka socda oo ku saabsan heshiiska Thomas Partey.

Gunners waxa kale oo la sheegayaa in saacadaha ka hadhsan suuqa iibka ciyaartoyda ay Emirates Stadium ka diri doonto laacibka reer France ee Matteo Guendouzi oo uu tegi doono Hertha Berlin oo sannad amaah ah ku qaadanaysa, laakiin ma jiro war rasmi ah oo ay labada kooxood iyo ciyaartoyga midna kasoo saaray arrintan.

Sidoo kale, Saed Kolasinac ayaa lala xidhiidhinayaa Bayer Leverkusen.

 

How do you rate this story?

0 votes