Neymar Oo Hakiyay Heshiis Kordhintiisii PSG, Kooxda Uu Doonayo Inuu Ku

Garabka weerar ee kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Junior ayaa lagu soo warramayaa inuu hakiyay heshiis kordhinta uu u samayanayay kooxdiisa xilli uu ku fikirayo in saaxiibkiisa Lionel Messi uu sii joogi doono kooxdii ay mar kasoo wada tirsanaayeen ee Barcelona.

29 sano jirkaas ayaa ahaa mid markasta u furan inuu dib ula midoobo xiddiga ree Argentina iyadoo wararka soo baxayay bilahan ugu dambeeyay ay xoojinayeen in Messi uu kula biirayo isaga dhinaca Paris.

Si kastaba, wargeyska Catalan-ka ah ee Ara ayaa sheegaya in Neymar uu aaminsan yahay xaqiiqada ah in Messi uu heshiis kordhin u samayn doono Barcelona isla markaana uu isaga qudhiisu Barca ku wargeliyay rabitaankiisa ah inuu soo laabto.

Warbixintaas ayaa ah mid xoojinaysa hadal dhawaan kasoo yeedhay Andre Cury oo hore Barcelona ugu ahaa mid usoo indho-indheeya ciyaaryahanada.

Andre Cury ayaa dhawaan yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlayay “Neymar wuu la ciyaari doonaa Messi markale, maaha PSG laakiin Barcelona”

Ku laabashada Neymar ee Barcelona ayaa noqon doonta mid adag marka la eego xaalada dhaqaale ee suuqa kala iibsiga maanta walow uu isagu jeclaan lahaa inuu tanaasul badan sameeyo si uu heshiiskaas u suurogaliyo.

Sidoo kale agaasimayaasha kala duwan ee Barcelona ayaan meesha ka saarayn fursada ay markale Neymar dib ugu heli karaan walow ay dhinaca kale si dhaw ula socdaan weeraryahanada kala ah Erling Haaland iyo Lautaro Martinez oo ay labadaba doonayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More