Portugal Oo Iska Qasaarisay Hogaan Labo Gool Ah,

Serbia ayaa ka soo dagaalantay labo gool oo logu hogaaminayay iyagoo barbaro 2-2 ah ku qabtay xulka Portugal ciyaar muran badan dhalisay oo ka dhacday magaalada Belgrade.

Portugal ayaa dooneysa inay badiso labo kulan oo isku xigta oo ka tirsan Group A ee isreebreebka Koobk Adduunka iyadoo tababare Fernando Santos uu u dabaaldegayay kulankiisii 1000aad ee uu tababare noqdo.

Laakiin labo gool uu madax ku dhaliyay xiddiga Liverpool Diogo Jota qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa Serbia u barbareeyay Aleksandar Mitrovic iyo Filip Kostic.

Portugal ayaa u muuqatay in laga diiday goolka guusha oo sax ahaa uu u dhaliyay Cristiano Ronaldo iyadoo calanwadaha uu tilmaamay in kubada laga badbaadiyay xariiqda goosha balse ku celiskii la daawaday ayaa muujinayay in kubada ay dhaaftay xariiqda goolka.

Markii ay ciyaarta dhamaatay Ronaldo ayaa carro uga baxay garoonka isagoo calaamadiisa kabtanka dhulka ku tuuray islamarkaana toos u aaday qolka labiska.

Dhanka xulka Belgium oo guul weyn ku bilowday isreebreebka Koobka Adduunka ee xulalka Yurub ayaa caawa lagu dhegay iyagoo barbaro 1-1 ku qabtay xulka Czech Republic oo marti u ahaa.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la;aan ah iyadoo qeybtii labaad uu Lukas Provod hogaanka u dhiibay xulka Czech Republic laakiin Belgium waxaa u barbareeyay Romelu Lukaku ka dib kubad caawin laheyd oo uu ka helay Kevin de Bruyne.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More