Garsoorihii Diiday Goolkii Saxda Ahaa Ee Cristiano

Tababaraha xulka Portugal Fernando Santos ayaa shaaca ka qaaday in garsoore Danny Makkelie uu ugu yimid koox qolka labiska isagoo raaligelin ka bixiyay inuu ogolaan waayay goolkii guusha ee Cristiano Ronaldo.

MAXAA DHACAY?

Dhacdada fadeexada ah waxay dhacday waqtigii dheeriga ahaa ee kulankii isreebreebka Koobka Adduunka ee u dhaxeeyay Portugal iyo xulka Serbia.

Iyadoo ciyaarta ay mareyso barbaro 2-2 ah kabtanka xulka Portugal Ronaldo ayaa dhaliyay gool u muuqday inuu ahaa midka guusha.

Si kastaba garsooraha iyo caawiyayaashiisa ayaa isla gartay in kubada uu xariiqda goosha ka soo saaray daafaca Serbia Stefan Mitrovic, inkastoo ku celiskii la daawaday ay muujineysay in kubada ay dhaaftay xariiqda goolka.

MAXAA LOO ISTICMAALI WAAYAY TEKNOOLOOJIYADA XARIIQDA GOOLKA?

Sababo aan la ogeyn FIFA qasab kama dhigto in la adeegsado teknooloojiyada xariiqda goolka kubada isreebreebka Koobka Adduunka.

Kaliya iyaga ayaa sharaxaad ka bixin kara sababta aan kulan isreebreebka Koobka Adduunka ah loogu istcimaaleynin teknooloojiyo loo adeegsado dhamaan horyaalada waa weyn ee dunida.

MUXUU YIRI TABABARAHA?

Ciyaarta ka dib tababaraha Portugal Santos oo u dabaaldegayay kulankiisii 1000aad ee uu tababare noqday ayaa yiri: “Garsooraha wuxuu daawaday ku celiska ciyaarta ka dib, wuxuu inoogu yimid qolka labiska, wuxuuna raaligelin ka bixiyay qaladkiisa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More