DAAWO: “Mohamed Salah Waa La Ogaaday, Difaaca Oo

Mohamed Salah waa la ogaaday kartidiisa ciyaareed, waana in Liverpool ay hadda si toos ah isaga ugu soo beddelato weeraryahanka Atletico Madrid ee Luis Suarez oo ay dib ugu soo celiso Liverpool. Sidaas waxa soo jeediyey taageereyaasha Reds oo la kala dooransiiyey labadan ciyaartoy.

Aragti ururin ay samaysay warbaahinta TalkSPORT ayaa waxay qaar ka mid ah taageereyaasha Liverpool kusoo bandhigeen in kooxdooda aanu sii wadi karin Mohamed Salah, taas beddelkeedana ay u baahan yihiin weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez oo sannadkii 2014 uga wareegay Barcelona, haddana u ciyaara Atletico Madrid.

Mohamed Salah oo 28 jir ah ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyey 25 gool oo dhamaan tartamada ah, kuna daray afar caawimood 40 kulan oo uu saftay, laakiin qaab ciyaareedkiisa ayaa haddana saluug laga muujinayaa isagoo ka hooseeya heerkii xilli ciyaareedkii hore, inkasta oo ay kooxda oo dhan dhibaataysan tahay.

Laacibka reer Masar ayaa wali mustaqbalkiisa su’aalo la gelinayaa, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxo ay ka mid yihiin Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Barcelona.

Luis Suarez oo 34 jir ah ayaa isaguna gool-dhalintiisii cajiibka ahayd kasii wada Atletico Madrid oo uu xagaagii uga soo wareegay Barcelona, waxaanu dhaliyey 19 gool oo horyaalka LaLiga ah, waxaana lala xidhiidhiyey kooxdiisa hore ee Liverpool oo la sheegayo inay ka fiirsanayso inay dib ula soo wareegto haddii Salah uu ka tago xagaaga.

Si kastaba, taageeraha Liverpool ee Tommy the Red ayaa eedaymo u jeediyey Mohamed Salah, waxaanu u sheegay kooxda in ay tahay in ay ka faa’iidaystaan suuqa oo ay iibiyaan, dibna ay usoo ceshadaan Suarez.

Taageerahan oo la hadlayay TalkSPORTS ayaa yidhi: “Salah waa la ogaaday oo la bartay. Sannadihii dhowaa ee tegay wuxuu dhalinayay goolal badan laakiin xilli ciyaareedkan difaac kastaa wuu bartay isaga. Garabka ayuu iska taagnaanayaa, wax uu sameeyana ma garanayo. Sidaa darteed, waxaan keeni lahaa Suarez, waxaanan tuuri lahaa  Salah. Xataa wax lacag ah kama doonayno Salah waqtigan, kaliya waa in lagu soo beddelo Suarez.”

Taageeraha oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi: “Wuxuu dhaliyey 25 gool xilli ciyaareedkan, laakiin imisa fursadood oo uu dhalin karayay ayuu helay. Sidaa darteed ayaanu ugu baahanahay in aanu beddelno Salah.”

Labada laacib ee kale ee Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa uu iyagana soo qaaday, waxaanu yidhi: “Kama hadlayno Sadio Mane iyo Roberto Firmino. Firmino wuu kharribnaa xilli ciyaareedkan, dhamaanteenna waynu ognahay mana garanayno sababta uu Jurgen Klopp wali daacadda ugu yahay weeraryahan aan goolal dhalinayn, waana wax lagu kaftamo. Laakiin isagu maaha midka aynu ka hadlayno, waxaynu ka hadlaynaa Salah iyo Suarez — Salah waa ciyaartoy la saadaalin karo, Suarez na lama saadaalin karo, sidaa darteed, isaga keena si afka hore ee kooxdu u noqdo mid aan la saadaalin karaynin.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More