RASMI: Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Xiddigaha Actual

Sergio Ramos ayaan lagu soo darin liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Celta Vigo ee Sabtida, iyadoo uu tababare Zinedine Zidane shaaciyey ciyaartoyda uu u xushay kulankan.

Real Madrid oo indhaha kusii haysa tartanka Champions League oo wareeggiisa siddeedda ay laba usbuuc iyo badh kaddib la ciyaari doonaan Liverpool oo ay isku beegmeen, ayaa waxa muuqata in kasii shaqaynayso sidii ay taam ahaansho buuxa u heli lahaayeen ciyaartoydeeda muhiimka ah.

Kabtan Sergio Ramos oo kasoo laabtay dhaawac, isla markaana beddel lagu saaray saacad markii ay socotay ciyaartii Arbacadii ay ku garaaceen Atalanta, ayaa waxa laga reebay ciyaartoyda kooxdiisa ee safartaka ugu tegaysa Celta Vigo oo ay Sabtida la yeelan doonaan ciyaar ay u baahan yihiin in ay guul ka keenaan.

Real Madrid ayaa sheegtay in Sergio Ramos uu dhaawac fudud ka qabo lugta bidix, isla markaana ay taxadar ka samaynayaan si aanay dhibaatadu ugu sii kordhin.

Sergio Ramos ayaa qayb ka ahaa tababarkii Real Madrid ee Jimcihii oo uu si dhibaato la’aan ah u dhamaystay, laakiin Zinedine Zidane ayaa go’aamiyey in aanu ugu yeedhin ciyaarta Celta Vigo, iyadoo ujeeddadana uu ku sababeeyey in uu siinayo waqti uu si buuxda ugu soo kabto, si kulanka Liverpool uu u ciyaari karo isagoo 90ka daqiiqadoodba awood u leh in uu dheelo.

Laacibkan ayaa sidoo kale shaki la gelinayaa haddii uu awoodi doono in uu u ciyaaro xulka qaranka Spain ee uu kabtanka u yahay, kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka oo saddex dal oo kala duwan ay la dheeli doonaan.

Waxa kale oo Real Madrid ciyaartan dhaawac kaga maqan difaacyada midig ee Dani Carvajal iyo Odriozola oo liiska dhaawaca kula jira Eden Hazard iyo Mariano Dias.

Xiddigaha Real Madrid ee kulanka Celta Vigo oo dhamaystiran:

Goolka: Courtois, Lunin, Altube.

Difaaca: Eder Militao, Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Ferland Mendy.

Dhexda: Toni Kroos, Luka Modri, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius Junior, Rodrygo Goes, Hugo Duro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More