“Waan walwalayaa” – wuxuu qirtay Mikel Arteta

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa qirtay inuu ka walwalsan yahay kulanka Tottenham ee dhawaan ka dhacaya London, gaar ahaan garoonka Emirates ee waqooyiga magaalada.

Mikel Arteta ayaa sheegay in waxa uu ka walwalsan yahay ay tahay in kooxdiisa ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartamada yurub iyo qatarta ay seegeen markii ugu horeysay muddo 25 sano ah.

Arsenal ayaa ku jirta kaalinta tobnaad haddii aysan badinin kulankaan, hoos ayey u dhici doontaa oo fursad ayey iska siin doontaa xitaa inay u soo baxdo Europa League.

Mikel Arteta oo lahadlayay Sky Sports ayaa yiri: “Waan walwalsanahay. Laakiin wax badan kama sheegi doono wixii dhacay xilli ciyaareedkaan maxaa yeelay waxaan ku sameynay garoonka dhexdiisa iyo go’aano aan qaadanay qaarkood.

“Hadii aan dooneyno fursad Europa League, waa inaan guuleysanaa afar ama shan kulan oo isku xigta, ka dibna sawirka wuu ka duwanaan doonaa, waxaan awood u leenahay inaan sidaas sameyno”.

Arsenal ayaa gaartay quarter-finalka Europa League ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen Olympiacos khamiistii, Mikel Arteta ayaa rajeynaya inuu ku guuleysto tartanka si uu u soo nooleeyo xilli ciyaareedkiisa. “Yurub waa sheeko taas ka duwan,” ayuu yiri. Dabcan, qaab ciyaareedkeennu wuxuu ahaa mid isdaba joog ah, kooxduna wali way fiicantahay.

“Laakiin wali waxaa jira waddo dheer oo harsan, waana ognahay inay jiraan kooxo badan oo tayo leh tartanka, laakiin waxaan rajeyneynaa waxa ugu fiican”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More