Arsenal vs Tottenham – Arteta

Kulankii 168aad ee North London Derby wuxuu ka dhici doonaa garoonka Emirates Stadium marka ay Arsenal martigeliso deriskeeda Tottenham iyo in ka badan ayaa miiska u saaran.

Tottenham ayaa badisay kulankeedii gurigooda bishii Diseembar 2-0 waxaana goolasha u kala dhaliyay Heung-Min Son iyo Harry Kane, marka ma kooxda Arteta ayaa aar gudan doonta caawa?

Arsenal ayaan looga badinin garoonkeeda kooxda Tottenham kulan ka tirsan Premier League tan iyo 2010

SHAXDA RASMIGA

Tababare Mikel Arteta ayaa isbadal ku sameeyay shaxdiisa isaga oo keydka fadhiyay xiddigo muhiim ah. Kabtan Aubameyanag ayaa keydka la dhigay iyadoo Lacazette oo ay kala hogaaminayaan Smith-Rowe iyo Odegaard.

Xhaka, Partey iyo Saka ayaa ka ciyaara qadka dhexe iyadoo Cebellos, Pepe, Willian iyo Elneny ay keydka fadhiyaan halka Bellerin uu keydka fadhiyo.

Dhanka Tottenham, Mourinho wuxuu shax adag la leeyahay Kane kaasoo ku haboon kulanka maanta iyadoo Bale iyo Son ay weerarka kuwada jiraan.

XI: Arsenal, Leno, Cedric, Tierney, Luiz, Gabriel, Xhaka, Partey, Saka, Odegaard, Smith-Rowe, Lacazette

Keyd: Ryan, Bellerin, Chambers, Ceballos, Pepe, Holding, Aubameyang, Elneny, Willian

Tottenham: Lloris, Doherty, Alderweireld, Sanchez, Reguilon, Hojbjerg, Ndombele, Moura, Bale, Son, Kane

Keyd: Hart, Lamela, Dier, Sissoko, Alli, Aurier, Winks, Davies, Vinicius

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More