Skip to content
Tuesday, August 25, 2026 11 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:46
Muqdisho 25°C
Breaking: More Than 30 Chinese Companies Attend Somalia-China Business Forum in Mogadishu
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

RW Rooble oo Guddi horumarinta dhaqaalaha kala hadlay

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
RW-Rooble-oo-Guddi-horumarinta-dhaqaalaha-kala-hadlay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah la qaatay Xubnah Guddi hoosaadka Horumarinta Dhaqaalaha ayaa kala hadlay muhiimadda qorshaha Deyn Cafintu u leedahay Dowladnimada & Dib u dhiska Dalka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Mahdi Maxamed Guuleed oo dhawaan Wareejiyay Xilka ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sii hayaasha Wasiirada Maaliyadda, Dekedaha, Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada & Mas’uuliyiin kale.

Rooble iyo sii hayaha Wasiirka Maaliyadda XFS Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo looga hadlayay dhameystirka qorshaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga sugayaa magacaabista Golihiisa Wasiirada, si uu u horgeeyo Golaha Shacabka BFS oo codka Kalsoonida Arbadii todobaadkii tagay ku siiyay si aqbaliyad ah.

Todobaadkaan oo uu la wareegay xafiiska Wasiirka Koowaad waxa uu guda galay kulamo siyaasadeed uu la qaadanayo qaar kamid ah Wakiilada Dalka ku sugan & Xubno kala duwan oo Soomaali ah.

Axadle.