Magacyada toddobada ciyaartoy ee Arsenal

Arsenal ayaa sii wadan doonta isbadalada ay ku sameyneyso suuqa kala iibsiga bisha Janaayo waxayna ku mashquulsan tahay iibinta qaar ka mid ah xiddigaheeda ugu waa weyn.

Gunners oo xilli ciyaareedkaan ku dhibtooneysa Premier League ayaa raadineysa ciyaartoy cusub si ay u xoojiso kooxdooda, halka ay iibineyso ciyaartoy mushahar qaata iyo kuwo aan xirfad ku laheyn, kuwaasoo horey looga reebay kooxda tababare Mikel Arteta.

Sida laga soo xigtay The Athletic, maamulaha kubada cagta ee Arsenal Edu Gaspar ayaa ka shaqeynaya sidii uu u heli lahaa kooxo xiiseynaya ciyaartoy aan loo baahneyn oo keydka fadhiya, gaar ahaan ciyaartoyda lacagta badan.

Sababta looga iibiyay ciyaartoydan Arsenal kaliya ma ahan dhaqaale, laakiin sidoo kale waxay kala qaybsanaan ka dhex sameeyeen qolka labiska, iyadoo ciyaartoyda qaar ay ka careysan yihiin sida loola dhaqmo.

Goolka koowaad ee Jarmalka waa Mesut Ozil, kaasoo garoomada ka maqnaa tan iyo bishii Maarso, qandaraaskiisana waxaa uga harsan kaliya hal sano.

Gunners ayaa dooneysa inuu ka tago kooxda sababtoo ah waa ciyaaryahanka ugu mushaharka badan adduunka, hadana waxay siinayaan isaga lacag la’aan kooxda.

Ozil ayaa xiiseynaya kooxaha Turkiga iyo Mareykanka.

Daafaca bidix Saed Kolasinac ayaa sidoo kale ku jira liiska kadib markii lagu badalay Kieran Tierney, kaasoo la filayo inuu bedelo Byukayo Saka iyo Cedric Soares.

Shkodran Mustafi, Hector Bellerein, Sokratis Papastathopoulos, Calum Chambers iyo William Saliba ayaa ah shanta kale ee ay Arsenal ka shaqeyneyso bisha Janaayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More