WAR DEG DEG AH: Kulanki Premier League ee Man City iyo

Kulankii Premier League ee u dhaxeeyay Manchester City iyo Everton ayaa dib loo dhigay ka dib markii dhowr ciyaartoy oo ka tirsan Manchester City laga helay cudurka Korona Virus.

Daafacyada Kyle Walker iyo weeraryahan Gabriel Jesus ayaa laga helay viruska ka hor kulanka City ay wajaheyso Newcastle isbuucaan.

Laakiin waxaa la rumeysan yahay in tiro intaa ka badan oo ciyaartooy ah oo ka tirsan kooxda Manchester City uu ku dhacay cudurka loo yaqaan ‘Corona virus’, taas oo horseeday in kulanka Premier League ee City iyo Everton dib loo dhigo.

Ciyaarta ayaa loo qorsheeyay inay ka dhacdo Goodison Park caawa iyadoo Everton oo kaalinta labaad ku jirta ay soo dhaweyn doonto Man City laakiin dib ayaa loo ciyaari doonaa.

Wali lama shaacin tirada rasmiga ah ee uu saameyn ku yeeshay Korona Fayras magaalada Manchester City laakiin waxaa la sheegayaa inay aad u kordheen oo ciyaarta dib loo dhigay.

Horay ayaa loo ogaa in Kyle Walker iyo Gabriel Jesus iyo labo shaqaale kale ay qabaan cudurka laakin hada wuu faafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More