Kaliya maaha Man City iyo PSG !! – Kooxdiisa saddexaad

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo aan wali la hubin mustaqbalkiisa ayaa lala xiriirinayaa in uu u dhaqaaqi doono hadii uu ka tago Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Messi ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester City iyo Paris Saint-Germain, laakiin koox seddexaad ayaa haatan laga fiirsanayaa.

33 jirkaan reer Argentina ayaa xor u ah inuu kaqeyb qaato wadahadalada kooxaha doonaya bisha Janaayo iyo wixii ka dambeeya.

Xaqiiqda ah in Barcelona ay dhibtooneyso iyo bilow xun oo xilli ciyaareedka ah ayaa kaliya dhiiri gelin kara rabitaanka Messi ee inuu baxo.

Barcelona ayaa awooday in ay Messi ku sii hayso kooxda xagaagii kadib markii uu ka xanaaqay sida ay ku dhammeeyeen xilli ciyaareedkii hore, oo ay ugu darneyd guuldaradii 8-2 ahayd ee ka soo gaadhay Bayern Munich ee Champions League.

Haatan OkDiario ayaa sheegtay in, marka laga soo tago PSG iyo City, Messi uu sidoo kale u arko kooxda reer Talyaani ee Inter Milan inay tahay bartilmaameed macquul ah oo lala soo wareego.

Bogga Antonio Conte ayaa haatan ka maqan liiska la doonayo laakiin mar lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo xagaagii hore.

Guardiola ayaa dhanka kale maamulka sare ee City u sheegay in uu heli karo 3 xiddig oo kale ama Lionel Messi xagaaga dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More