Skip to content
Tuesday, August 18, 2026 4 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:46
Muqdisho 25°C
Breaking: Asian Allies Stress Critical Cooperation After Donald Trump Slashes South Korea Drills
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Booliiska Dhuusamareeb oo dalbaday in laga gacansiiyo

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Booliiska-Dhuusamareeb-oo-dalbaday-in-laga-gacansiiyo

Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi oo hoggaaminayay kormeer Amni Xaqiijin ah ayaa la kulmay qaar kamid ah shacabka Xarunta DG Galmudug, isaga oo ka dalbaday la shaqeynta Ciidanka.

Dhamme Nuur Cilmi ayaa shacabka ka codsaday in ay ku wargeliyaan haddii ay helaan macluumaad ka dhan ah Xasiloonida Magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah maamul Goboleedka Galmudug.

Booliiska ayuu sheegay in ay gudanayaan Wajibaadka saaran, sidaas awgeed, shacabka laga doonayo in ay ka gacansiiyaan gaarista hadalka xaqiijinta sugidda nabadgalyada Magaalada Dhuusamareeb.

“Waan hubaa in aad la kulanteen dhacdooyin kala duwan, waxaa la idinka rabaa in aad la wadaagtaan Laamaha ammaanka, waad ka gaabiseen in aad Booliiska Warbixin soo siisaan, Ciidan ma guuleysto haddii aan la shaqeyn shacabkiisa oo aan garabsiin” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb oo Shacabka qaar la hadlay.

Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb ayaa shacabka Magaalada Dhuusamareeb ku bogaadiyay in ay ka shaqeeyaan adkeynta amniga oo haddii la waayo Xasilooni dhibaatada ugu weyn ay gaareyso Shacabka.

“Magaalada Dhuusamareeb waa meelaha ugu amniga wanaagsan Galmudug, iskama imaan ee dad ayaa dhexda u xirtay, haddii ay wax qaldamaan waa meel wax ka socdaan, waana in cashir inoo noqdaan” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb.

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa kordhiyay Baarista lagu sameynayo Gaadiidka Nuuca yar, meelaha qaar oo ah xarumaha Maamulka & Saldhigyadooda ayaa laga joojiyay Gawaarida Raaxada.

Axadle.