Xiddigaha Arsenal David Luiz Iyo Dani Ceballos Oo Feer Isla

Wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in daafaca dhexe ee Arsenal David Luiz iyo xiddiga khadka dhexe Dani Ceballos inay gacanta iskula tageen xilli ay joogeen garoonka tababarka maalintii Jimcaha.

Labada xiddig ayaa is feeray iyadoo David Luiz uu feer sanka kaga dhuftay xiddiga reer Spain Dani Ceballos taasoo keentay in dhiig uu ka soo daato.

The Athletic ma aysan sheegin sababta dhalisay dagaalka labada xiddig laakiin ciyaartoydaan oo aan aadin xulalkooda ayaa ka qeyb qaadanayay kulan ay ku ciyaarayeen garoonka tababarka Jimcihii taasoo dhalisay dagaalkooda.

Waxay keentay inay feer isla dhacaan iyadoo David Luiz uu dhiig ka keenay Dani Ceballos ka hor inta aysan kala qabanin xiddigihii kale ee garoonka joogay.

Markii ciyaartoyda Arsenal ay tababarka ku soo laabteen labada xiddig ayaa la sheegay inay is raaligeliyeen iyadoo xiddigihii kooxda joogay ee aan aadin kulamada heerka caalami ay si caadi ah tababarkooda u sameeyeen.

Arsenal ayaa rajeyneysa in isbiiritka dagaal ee labadaan xiddig inay u bedeli doonaan mid niyadsami ah oo caawisa kooxda.

Gunners ayaa dooneysa inay wadada guusha ku soo noqoto ka dib guuldaradii ka soo gaartay Aston Villa ka hor inta aan la aadin kulamadii heerka caalami.

Waxay Arsenal Axada booqanayaan kooxda Leeds United iyadoo rajeynaya in David Luiz iyo Ceballos inay iska ilaawaan dagaalkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More