Mushaharka Ciyaaryahanadda Manchester United Ee

Manchester United oo sannadihii ugu dambeeyey ku dhibaatoonaysay garoomada, waxay ka mid ahayd kooxaha ugu guulaha badan dunida iyo Ingiriiska gudihiisaba, waxaanay haysataa 20 koob oo horyaalka oo 13 ka mid ah ay qaadday intii horyaalku uu qaatay magaca Premier League.

Waxa kale oo ay haystaa 12 FA Cup,l shan League Cup iyo 21 Community Shield. Waxa kale oo u raaca tartamada qaaradda Yurub, iyadoo diiwaankeeda ay ku jiraan Saddex Champions League, hal Europa League iyo koobka la odhan jiray European Cup.

Xili ciyaareedkii hore, waxay horyaalka Premier League kaga dhamaysatay kaalinta saddexaad iyadoo dedaal badan soo samaysay intii ka dambaysay bishii January oo ahayd xilligii uu Bruno Fernandes kaga soo biiray Sporting Lisbon iyo Paul Pogba oo waqtigii ay ciyaaruhu kasoo laabteen xayiraaddii Korona isaguna kasoo noqday dhaawac oo ay isla jaan-qaadeen kubbad-sameeyahan reer Portugal.

Mushaharka ciyaartoyda Manchester United ee toddobaadlaha ah ayaa si buuxda loosoo bandhigay, waxaana hoggaanka u haya goolhayaha reer Spain ee David De Gea oo darajadan ku gaadhay heshiiskii uu dib u cusboonaysiiyey.

Goolhayaha reer Spain oo dhawr sannadood ku guuleystay ciyaartoyga sannadka ee Manchester United ayaa lagu abaal-mariyey heshiis soconaya illaa sannadka 2023 oo uu toddobaadkii ku qaato lacag dhan £375,000 Gini, taas oo ka dhigaysa xiddiga Premier League oo dhan ugu mushaharka badan, waxaanu xataa ka sarreeyaa Mesut Ozil oo Arsenal isku qoomamaynayso qandaraaska ay siiyeen ee £350,000 Gini uu usbuucii ku qaato.

Manchester United oo ku dhibaatoonaysa horyaalka Premier League intii ka dambaysay sannadkii 2013kii oo ahayd waqtigii uu Sir Alex Ferguson hawlgabka noqday, waxa xiddiga labaad ee ugu mushaharka badan uu yahay kubbad-sameeyaha reer France ee Paul Pogba oo toddobaadkii u xaadira £290,000 Gini.

Halka ay ciyaaryahannadani uga xaadirayaan lacagta intaas le’eg, waxa jira kuwo kale oo dulmaneyaal ah oo toddobaadkii lacag aad u hoosaysa ay qasnaddooda kusoo dhacdo.

Laacibka da’da yar ee khadka dhexe ee Scott McTominay ayaa waxa uu yahay kan kooxda oo dhan ugu mushaharka yar, waxaanu toddobaadkii qaataa £10,000 Gini oo kaliya, waxaana ka sarreeya Mason Greenwood oo £35,000 Gini usbuucii qaata.

Halkan kaga bogo mushaharka ciyaartoyda Manchester United

 

#24 Scott McTominay | Midfielder | £10,000 toddobaadkii

#23 Mason Greenwood | Forward | £35,000 toddobaadkii

#22 Daniel James | Winger | £45,000 toddobaadkii

#21 Sergio Romero | Goalkeeper | £70,000 toddobaadkii

#20 Phil Jones | Defender | £75,000 toddobaadkii

#19 Marcos Rojo | Defender | £80,000 toddobaadkii

#18 Eric Bailly | Defender | £80,000 toddobaadkii

#17 Aaron Wan-Bissaka | Defender | £90,000 toddobaadkii

#16 Jesse Lingard | Midfielder | £100,000 toddobaadkii

#15 Alex Telles | Defender | £100,000 toddobaadkii

#14 Donny van de Beek | Midfielder | £100,000 toddobaadkii

#13 Dean Henderson | Goalkeeper | £120,000 toddobaadkii

#12 Victor Lindelof | Defender | £120,000 toddobaadkii

#11 Fred | Midfielder | £120,000 toddobaadkii

#10 Nemanja Matic | Midfielder | £140,000 toddobaadkii

#9 Luke Shaw | Defender | £150,000 toddobaadkii

#8 Juan Mata | Midfielder | £160,000 toddobaadkii

#7 Bruno Fernandes | Midfielder | £180,000 toddobaadkii

#6 Harry Maguire | Defender | £195,000 toddobaadkii

#5 Edinson Cavani | Forward | £210,000 toddobaadkii

#4 Anthony Martial | Forward | £250,000 toddobaadkii

#3 Marcus Rashford | Forward | £250,000 toddobaadkii

#2 Paul Pogba | Midfielder | £290,000 toddobaadkii

#1 David de Gea | Goalkeeper | £375,000 toddobaadkii

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More