Skip to content
Wednesday, August 26, 2026 12 Rabi al-Awwal 1448 AH Isha 19:13
Muqdisho 25°C
Breaking: Iceland to Vote in Close Referendum on Resuming EU Talks
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Madaxweynaha Jabuuti oo QM ka dalbaday taageerista Heshiiska

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Madaxweynaha-Jabuuti-oo-QM-ka-dalbaday-taageerista-Heshiiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay Meertada 75-aad ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa qayb kamid ah hadalkiisa waxa uu diiradda ku saaray Xaaladda Soomaaliya.

Geelle ayaa dul istaagay heshiiska siyaasadeed ee doorashada Dalka 20/21 oo ay kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo, Hoggaamiyaha DG hoostaga Dowladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Waa uu bogaadiyay, waxaana uu Qaramada Midoobay ka dalbaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in ay taageerto weyn u muujiyo, maadaama lagu saldhigayo doorashada dalka oo 4-tii sanaba mar la qabto.

“Waa go’aan wanaagsan, dabcan Soomaalida oo isku madax bannaan ayaa heshiiskaas gaartay, waxa kaliya Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada Soomaaliya waa in ay taageero garab istaag ah u muujiyaan si loo dhaqangeliyo una dhacdo doorashada Dalka” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku dheeraaday horumarka dhanka Siyaasadda, Amniga, Doorashada iyo gaarista hiigsiga Soomaaliya, isaga oo ku bogaadiyay DFS & DG in ay sii laba-laabaan arrimahaan.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhanka kale taageero u dalbay Ciidamada AMISOM oo ay qayb ka yihiin Askar dalkiisa u dhalatay oo amarkiisa kusoo aaday Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgala Bartamaha Soomaaliya.

“Horumar dhanka ah ayay Gaareen Ciidamada Dowladda Federaalka, dabcan waxaa la howlgala oo garabsiinaya Askarta AMISOM, waa in la taageero Ciidamadaas si looga guuleysto Argagixisada” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Axadle.