Skip to content
Saturday, November 14, 2026 3 Jumada al-Thaniyah 1448 AH Asr 15:07
Muqdisho 26°C
Breaking: Sagaal xubnood oo ka tirsan wafdi Soomaali ah oo la la’yahay kaddib booqasho ay ku tageen Kosovo
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Sagaal xubnood oo ka tirsan wafdi Soomaali ah oo la la’yahay kaddib booqasho ay ku tageen Kosovo

Follow
Newsroom published Updated 20 minutes ago 3-minute read

Muqdisho — Dowladda Kosovo ayaa ka codsatay dowladda federaalka Soomaaliya inay gacan ka geysato raadinta sagaal xubnood oo ka tirsanaa wafdi rasmi ah oo ka yimid Soomaaliya, kuwaas oo isaga tagay goobtii ay degganaayeen ee u dhoweyd Pristina iyagoo aan laamaha amniga ogeysiin, kana baaqday duulimaadkii ay dalkaas kaga dhoofi lahaayeen, arrintaas oo abuurtay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladdooda iyo halka ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Qoraal diblumaasiyadeed oo ku taariikhaysan Oct. 30, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta ee Kosovo ku sheegtay in sagaalka xubnood ay ka bexeen goobtii ay deganaayeen ee Dua Village abaare 7:10 fiidnimo ee Oct. 27, maalin ka hor xilligii qorshuhu ahaa inay dalka kaga ambabaxaan.

Xafiiska Hab-maamuuska Qaranka ee Kosovo ayaa ogaaday maqnaanshaha xubnahan Oct. 28 xilli ay ku guda-jireen diyaarinta gaadiidka wafdiga u qaadi lahaa Garoonka Caalamiga ah ee Pristina, halkaas oo sagaalka xubnood aysan ka soo xaadirin qeybta VIP-da.

Xogaha horudhaca ah ayaa tilmaamaya in xubnuhu ay si iskood ah goobta uga tageen, suurtagalna ay tahay inay u safreen meelo kale. Hase yeeshee, mas’uuliyiinta ayaa sheegay inaysan haynin wax xog ah oo la hubo oo ku saabsan halka ay xaadirka ku sugan yihiin ama haddii ay gebi ahaanba ka bexeen gudaha Kosovo.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta ee Jamhuuriyadda Kosovo waxay walaac xooggan ka muujinaysaa macluumaad la’aanta ku saabsan halka ay ku dambeeyeen sagaalka xubnood ee wafdiga Soomaaliya, iyo sidoo kale ogeysiis la’aanta laamaha awoodda u leh ee ku aaddan isbeddelka ku yimid joogitaankooda iyo qabanqaabada bixitaankooda,” ayaa lagu caddeeyay warqadda diblumaasiyadeed.

Wafdiga Soomaaliya ayaa markii hore gaaray Kosovo Oct. 25 iyagoo la socday diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines abaare 7:45 fiidnimo.

Socdaalka wafdiga waxaa xilligaas hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ee xilligaas Said Mohamed Mohamud, iyo Wasiir-ku-xigeenkii Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Fartun Abdikadir Farah.

Labada mas’uul ee sarreeya ayaa ka duulay Kosovo Oct. 28, iyadoo Mohamud uu baxay saacadaha hore ee maalintaas, halka Farah ay ka ambabaxday fiidnimadii dambe.

Saraakiisha Kosovo waxay sheegeen in dadaalladii lagu doonayay in xog looga helo madaxdii hoggaaminaysay wafdiga Soomaaliya aysan wax jawaab ah ka dhalin.

“Ilaa xilliga la diyaariyay qoraalkan rasmiga ah (Note Verbale), Wasaaraddu ma hayso wax macluumaad ah oo xaqiijinaya halka ay ku sugan yihiin, xaaladdooda degganaansho, ama inay ka bexeen dhulka Jamhuuriyadda Kosovo,” ayay tiri wasaaraddu.

Warqadda diblumaasiyadeed ayaa dhanka kale diiradda saartay arrimaha nabadgelyada iyo badqabka sagaalka qof, oo ilaa iyo hadda duruufaha ku xeeran aysan caddayn.

“Marka laga sootago dhinacyada maamul iyo hab-maamuus, xaaladdan waxay sidoo kale dhalinaysaa walaac ku saabsan badqabka iyo fayo-qabka sagaalka qof ee ay khuseyso, iyadoo la tixgelinayo in meesha ay hadda ku sugan yihiin iyo xaaladdooduba aysan weli xaqiiqoobin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kosovo ayaa ka codsatay Soomaaliya inay arrintan u qaadato mid mudnaan gaar ah leh, ayna soo gudbiso faahfaahin kasta oo horseedi karta in la ogaado meesha xubnuhu jiraan lana xaqiijiyo badqabkooda.

Dhacdadani waxay sidoo kale soo jiidatay dareenka la xiriira qaabkii loo soo agaasimay booqashada rasmiga ah iyo dadkii loo soo xushay inay qayb ka noqdaan wafdiga Soomaaliya.

Nov. 4, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa xilalkii ay hayeen ka xayuubiyay Mohamud iyo Farah.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ma bixin sharraxaad cad oo ku saabsan sababaha xilka-qaadistooda, sidoo kalena ma jirto caddayn rasmi ah oo muujinaysa xiriir ka dhexeeya tallaabadaas iyo baxsashada sagaalka xubnood ee wafdiga.

Dowladda federaalka Soomaaliya dhankeeda weli si furan ugama aysan hadlin dhacdadan, umana aysan caddayn bulshada haddii ay xiriir la samaysay shakhsiyaadka la raadinayo.

Ilaa iyo hadda ma cadda in xubnahan sagaalka ah ay weli ku dhuumaaleysanayaan gudaha Kosovo, inay u gudbeen waddamo kale, iyo inay doonayaan inay sii joogaan qurbaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kosovo ayaa mar kale ku celisay baahida loo qabo iskaashi degdeg ah oo dhex mara labada dhinac si loo helo xog dhab ah oo ku saabsan qaabka ay goobta uga bexeen loona damaanad-qaado badqabkooda.

 

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes