Taliyaha Nabadsugida Qaranka oo beeshiisa ka dalbaday in dib u bilaabaan dagaalka Al-shabaab

Jimco, May, 31, 2024 (AX) – Waxaa galinkii dambe ee maanta ka furmay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan shirka Nabadda iyo midnimada Cali Hogaamiye oo ka mid ah Beelaha Xawaadle.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee beesha Cali Hogaamiye sida Nabadoono, Waxgarad, Aqoonyahano, Dhallinyaro, Haweeno, Ganacsato, siyaasiyiin, Xildhibaano Saraakiil iyo masuuliyiin ay ka mid yihii Taliyaha NISA, Hoggaamiyaha Macawiisleyda iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.
Shirkaan oo ah mid beeshaasi ay uga tashaneyso aayaheeda ayaa waxaa iclaamiyay Taliyaha hay’dda Nabadsugida iyo Sordoonka Qaranka Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo beeshaasi kasoo jeeda.
Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe oo shirka daah furay ayaa waxgaradka beesha Cali Hogaamiye ka dalbaday iney midnimo muujiyaan oo shirkaan kasoo saaraan hoggaan rasmi ah oo ay yeelato beesha iyo qofki beesha ku matali laha kursiga Xildhibaanimo ee Hop 58.
“Waxaan idinla codsanaya in shirkaan ay kasoo baxdo natiijo u wanaagsan Cali Hogaamiye, Xawaadle, danta gobolka iyo tan qaranka Soomaalyeed, waa in lagu dhameeya shirkaan tafararuqii jiray, Xawaadle iyo Soomaliweyn waxay idinka sugeysa waxa leydinku tuhmayo oo aad hormuud ugu aheydeen Soomaali, waa in aan dib u bilaawna dagaalkii Khawaarijta  wax walba wadajir ayaa lagu qaban kara ee wax beelaha Xawaadle iyo umada kale ku faraxdo hakasoo baxaan shirka” ayuu yiri Taliye sanbaloolshe.
Shirkaan lama shaacin mudada rasmiga ah uu socon doono, waxaana si gaar ah natiijada kasoo bixi doonto shirkaan indhaha ugu wada haayo dhamaan beelaha kale ee beelweynta Xawaadle iyo beelaha Soomaaliyeed.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More