Browsing Tag

kursiga

Wasiir Kaahin: Kulmiye xoog kursiga kuma haysan karo, xoogna lagaga qaadi maayo

Isniin,  Juun, 24, 2024 (AX) - Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ahna Wasiirka Arrimaha Guddaha Gobaladda Waqooyi, ayaa sheegay in anay jirin cid kursiga xoog ku haysan karta, ama cid xoog ku fuuli karta.Kaahin oo goob fagaare ah kala hadlayay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay kursiga wareejin doonaan hadii laga helo doorashada 13 November."Hadii laynaga helo doorashada si sharafleh ayaynu ku qaadanaynaa, saxiibaday waxan leeyahay Kulmiye xoog kursiga ku fadhiisan kari…

Fowsiyo Xaaji Aadam: Waa nasiib darro in dadku aysan fahan ka haysan kursiga Midowga Afrika

 Sabti, Juun, 22, 2024 (AX) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ahna musharrax u taagan guddoomiyaha Midowga Afrika, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in doonisteeda kursiga Midowga Afrika loo turjumayo in ay Gobaladda Waqooyi goynayso.Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam waxay sheegtay kursigaasi inuu yahay mid loogu shaqeeyo Soomaaliya magaceeda iyo jiritaankeeda. Waxay sheegtay go'aanada kasoo baxa inay yihiin ku shaqeeya amar kasoo baxa shirka Madaxweynayaasha Midowga Afrika.“Nasiib darro…

Xildhibaan Fowsiya oo si cad u sheegtay iney ka tanaasuleyn kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika

 Khamiis, Juun, 20, 2024 (AX) - Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta shir jaraa'id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday ineysan ka tanaasuleyn musharaxnimadeeda kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika oo doorashadiisa la qaban doono sanadka soo socda ee 2025.Waxay sheegtay in madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar iney ka dalbadeen in ay isaga harto tartanka kursigaas sababo la xariira codsi ka yimid madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo kursigaan u sharaxaya wasiirka…

Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ugu hambalyeysay kursiga golaha amniga

Jimco, Juun, 7, 2024 (AX) - Qaramada Midoobay ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay xubinimada Soomaaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026.“Soomaaliya waxay soo martay waddo dheer soddonkii sano ee la soo dhaafay iyadoo ku socotay waddadii nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada kursi ka mid ah golaha ammaanka waa aqoonsiga horumarkaas la mahadiyo,” ayuu yiri ku-simaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan."Waaya-aragnimada…

Soomaaliya oo rajeynaysa in aan lagula tartamin kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka

 Arbaco, Juun, 5, 2024 (AX) - Soomaaliya ayaa rajeynaysa in aan lagula tartami doonin doorashada kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida ay ku waramayaan ilo diblumaasiyeed oo dowladda katirsan.  Warar aan si dhab ah weli loo xaqiijin ayaa sheegaya in uusan jirin dal kaloo Afrikaan ah oo Soomaaliya tartan kula galaya kusigaan. Haddii ay Soomaaliya ku guulaysato kusigan, waxay noqon doontaa markii labaad oo Soomaaliya ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, tan iyo …

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u safray New York si uu ugu ololeeyo kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

 Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu ugu ololeeyo in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.Tallaabadan ayaa imaaneysa ka hor doorashada soo socota ee xubnaha golaha amaanka, oo la qorsheeyay 6-da June inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.Booqashada Wasiir Fiqi ee New York ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in…

Daa’uud Aweys: Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka

Axad, May, 26, 2024 (AX) - Soomaaliya ayaa isu diyaarinaysa kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay wasiir warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis.“Soomaaliya waxay ku faanaysaa inay isu diyaarinayso inay kursi aan joogto ahayn ka qaadato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC). Fursaddani waxay ka tarjumaysaa saamayntayada sii kordheysa iyo sida ay uga go'an tahay in aan si macno leh wax ugu biirinno dadaallada nabadda iyo ammaanka caalamka," ayuu yiri wasiirku.Wasiirka…

Wasiir Fiqi: Waxaan kursiga AU-da kula tartamaynaa Raila Odinga oo doonaya in Soomaaliya ay kala go’do

 Sabti, May, 11, 2024 (AX) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay inay u tartanto doorashada kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.  Wasiirka arrimaha dibbada, ayaa sheegay, tartankaan inuu yahay fursad weyn oo Soomaaliya aan soo maridoonin afartanka sano ee soo socda.Sidaas awgeed, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wax walba ku bixinayso sidii ay ugu guulaysan lahayd kursigaas muhiimka ah.Wasiir Fiqi waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More