NISA oo shaacisay iney gacanta ku dhigtay ganacsato macaamil la sameeyay Al-shabaab
Sabti, Juun, 1, 2024 (AX) - Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad la sheegay in macaamil la sameeyeen kooxda Al-shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in hay'adda soo qabatay xubno ganacsato ah oo si dhuumaaleysi ah lacago baad ah usoo weydiisay kooxda Al-shabaab, islamarkaana wali ciidanka ay ku raad joogaan xubno kale oo ganacsato ah.Hay’adda NISA ma shaacin magacyada iyo tirada ganacsatada macaamilka la sameysay kooxda…