Browsing Tag

doon

49 qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo ku geeriyooday doon ku degtay xeebaha Yemen

 Arbaco, Juun, 12, 2024 (AX) - Dooni ay saarnaayeen 260 tahriibayaal ah oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku degtay xeebaha dalka Yemen Isniintii, waxaana ku dhintay ugu yaraan 49 qof, halka 140 kalena waa la la'yahay, sida ay sheegtay hay'adda socdaalka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay Salaasadii.71 qof ayaa ka badbaaday doonida degtay, sida lagu sheegay war kasoo baxay hay’adda socdaalka caalamiga ah.Lix carruur ah ayaa ka mid ah dadka la badbaadiyay, halka lix kale oo carruur ah iyo 31 haween ah ay ka mid…

43 qof oo lagu la’yahay doon ku qarqantay meel u dhaw magaalada Garisa

Isniin, April, 29, 2024 (AX) - 43 qof oo doon uga gudbayay wabiga Tana River ee magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa lagu la’ yahay nolol iyo geeri. Dadkaan oo kasoo safray magaalada Nairobi, ayaa la sheegay inay doon kasoo raaceen deegaanka Kona Punda oo u dhow jidka isku xira magaalada Gaarisa iyo degaanka Madogo ee gobolka Waqooyiga Bari. Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo maalmahan ka da'ayay Kenya iyo wabiga Tana oo karkaarada jabsaday, ayaa loo maleynayaa in ay sababtay in doonta ay dadkaan…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More