Xigasho: Maxaay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe uga baaqday shirkii Hawiye

Muqdisho (Axadle) – Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Axadle ayaa sheegaya sababta rasmiga ah ee madaxweynayaasha maamulka Galmudug iyo HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ay dibad joog uga noqdeen shirkii beelaha Hawiye, kaasoo la filayay iney ku dhawaaqan mowqifkooda ku saabsan muddo kordhinta Farmaajo.

Sida aan xogta ku helnay Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa ku wargaliyey mucaaradka in ay dib ugu laaban doonaan deegaanadii ay ka yimaadeen isla markaana ay kulamo la qaadan doonaan baarlamaanka, xukuumada iyo ururada bulshada rayidka ah ka dibna ay cadeyn doonaan mowqifkooda ku aadan mudo kordhinta.

Sida aan xogta ku helnay labada madaxweyne waxay u sheegeen mucaaradka inay soo saari doonaan war murtiyeed isla markaana aysan ka qeyb geli karin shirka hawiye iyagoon la tashan maamulada ay matalaan.

Ilo wareedyada ayaa intaa ku daraya in xubnaha mucaaradka ay ku faraxsan yihiin hadalada labada madaxweyne isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan mowqifkooda doorashada Soomaaliya.

Cali C / laahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaanan ka qeyb galin shirkii Hawiye ee shalay, waxaana jira warar sheegaya in ay ka fogaadeen culeys kaga imaanayay dhanka Villa Soomaaliya oo iyagu diidanaa shirka.

Beesha hawiye ayaa shalay si weyn u diiday mudo kordhinta madaxweyne farmaajo, waxaana ka maqnaa madaxweynaha galmudug iyo hirshabeele oo lafilayay in ay kaqeyb galaan shirka madama ay beeshu dagantahay gobolada kale ee soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More