Xafiiska Hanti Dhowrka qaranka oo dalbaday dib usoo celinta

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)
Hanti dhowraha qaranka

Warqad kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa lagu dalbaday in dib loogu soo celiyo Gaadiid horay loo siiyay Xubno katirsan Dowladda Federaalka & shaqsiyaad aan haatan xilal ka heyn.

Magacyada shaqsiyaadka liiskaan lagu wargeliyay dib u celinta gaadiidka waxa ay u badan yihiin Wasiiro & xubno katirsan Laanta Xeer dejinta Baarlamaanka Soomaaliya & qaar kamid ah Ragga lagu tiriyo in ay saaxiib dhaw la yihiin Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Magacyada shaqsiyaadka dib u celinta Gaadiidka laga sugayo ayaa kala ah: Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Cabdulqaadir Axmed-Khayr Cabdi Wasiiru Dowlihii Arrimaha dibadda XFS, Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Abuukaato Xasan Xuseen Xaaji Wasiirkii hore ee Garsoorka & Cadaaladda ahna Wasiirka cusub Gaashaandhigga XFS,  Maxamed Cabdullahi Siciid Wasiir ku xigeenkii Caafimaadka, Xamsa Siciid Xamsa Wasiirkii Gargaaarka ahna Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha XFS, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Senatar Ayuub Ismaaciil & shaqsiyaad kale.

Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu daba-socdo hantida Dowladda & shaqsiyaadka loo dhiibay si ay dib ugu soo celiyaan sida loo siiyay marka ay qaadanayeen sida hadalka uu dhigay.

Dalka ayaa galaya Doorasho, waana waqtiga loo bixiyay xiliga kala guurka (Geedi socodka), waxaana inta badan ka faaiideysta shaqsiyaad kala duwan sida ay ku doodayaan dad waaya-joog u ah xaaladahaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More