Wararkii ugu dambeeyey shirka Muqdisho iyo R/W

Muqdisho (Axadle) — Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa si rasmi ah u shaaciyey xiliga uu qabsoomayo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo dib u dhac ku yimid.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wsaaraha ayaa lagu iclaamiyey in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu si rasmi ah uga furmayo Afisyoone maalinta Sabtida ee ku taariikheysan 21-ka Agoosto, 2021.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doona raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Waxa qorshuhu ahaa in maanta uu Caasimadda Muqdisho ka furmo shirka golaha wada-tashiga qaran, waxaana dib dhaca sababay safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ugu maqna dalka Masar iyo madax goboleedyada oo aan soo wada gaarin Axadle dalka.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa saaka iyo galabta soo gaaray Caasimadda Muqdisho ee Axadle dalka.

Madaxda iyo wafdigooda ayaa waxaa si weyn Garoonka Diyaaradaha ee AADAN ABDULLE ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka banaadir, xubno ka kala socday golaha wasiirada XFS iyo Labada gole ee BFS iyo masuuliyiin kale.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa qeyb ka ah madaxda shirka madasha wadatashiga qaran ee looga arinsanayno dardargelinta arimaha doorashooyinka dalka, waxaana la filayaa in madaxda kale ay maalinta berri ah soo gaaran Caasimadda Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More