Taliska ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay 40 caruur ah

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in ay howgal ay ka sameeyeen Tuulada Nuunaay oo hoostagta deegaanka Bariire gobolka Shabeellaha hoose ay ku soo furteen 40 caruur oo ay sheegeen in Al Shabaab ay u tababarayeen qaraxyada.

Ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al Shabaab ka sameeyay saacadihii lasoo dhaafay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose sida ay daabacday warbaahinta Dowladda.

Tuulada Nuunaay oo hoostagta Bariire ayaa ciidanku si gaar ah howlgalka uga sameeyeen waxaana howlgalka ciidanku ku dileen 16 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad taliyaha ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa sheegay in Caruurta gaareysa 40 oo Al Shabaab ka soo qafaashay gobollada dalka qaarkood in ay ka soo badbaadiyeen deegaankaas isla markaana haatan ay ku jiraan gacanta ciidanka.

Al Shabaab dhankooda kama hadlin sheegashada ciidanka Xoogga dalka ee ah in ay soo furteen caruur ay haysteen Al Shabaab.

Ciidanka Dowladda ayaa saacadihii la soo dhaafay howlagalo ka waday gobolka Shabeellaha hoose ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya waxa ayna sheegeen in ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa gobolkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More