Sawirro: Deni oo maanta isu-diiwaan geliyay doorasho qof iyo…

Garoowe (Axadle) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka iska diiwaan-geliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho, si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota ee maamulkaas.

Deni oo hore u ballan-qaaday hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee doorashada qof iyo cod ayaa maanta qeyb ka noqday dadka is diiwan-geliyey si ay uga qeyb qaatan doorashada goleyaasha deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyay guddiga doorashada iyo guud ahaan howl-wadeenada diiwaan-gelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafada.

Waxa uu ku dhiiri-geliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada-qeyb qaato hir-gelinta qorshaha ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan.

Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ayaa hadda u muuqda mid hirgalay, wuxuuna kamid ahaa yoolashii uu hore ballan qaaday Madaxweyne Siciid Deni.

Bulshada Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyay in Puntland u jiheysato doorasho qof iyo cod ah, ayada oo laga dhabeeynayo in bulshadu ay doortaan wakiiladooda ku metelaya goleyasha maamulkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More