Rooble oo u ambabaxay Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay ee…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd oo maanta ah u ambabaxay magaalada Kismaayo ee axadle KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa inta uu joogo Axadle Jubbaland waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabad-gelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.

Inta uu joogo Ra’iisul wasaaruhu sida uu qorshuhu yahay waxa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic horumarineed oo dowladdu ka higelineyso gudaha maamulka Jubbaland.

Sida ay ogaatay Axadle, wafdi hordhac u ah ra’iisul wasaaraha ayaa shalay gaaray magaaladaasi, kuwaasi oo haatan ku sugan degmada Kismaayo, waxaana soo dhamaatay qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta waftiga ra’iisul wasaaraha.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee Rooble uu ku tegayo magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada; Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.

Socdaalkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya, xilli dhawaan la guda galayo doorashooyinka dalka, waxaana Kismaayo ay ka mid tahay meelaha lagu qabanayo doorashooyinka, wuxuuna qeyb ka noqonaya dadaalka dhammeystirka dib heshiisiinta Gedo iyo si guud howlaha doorashooyinka oo uu hormuud ka yahay ra’iisul wasaaruhu.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More