Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Maxay Puntland iyo Jubaland ka yiraahdeen shirkii Afisyooni

Wasiirka warfaafinta Puntland C / laahi Cali Xirsi Timacadde oo la hadlay warbaahinta isaga iyo wasiiro ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in labada maamul aysan ka warqabin fashilka ku yimid shirkii Muqdisho, laakiin ay kaliya warbaahinta ka arkeen wasiir Dubbe “Waxaan u sheegeynaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in uusan jirin shir fashilmay oo ay ogyihiin dowladaha Jubaland iyo Puntland. Hogaamiyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa mudo bil ah ku sugnaa caasimada iyagoo kusii jeeda dalka Soomaaliya…

Itoobiya: Masar iyo Suudaan ayaa xanibay wadahadaladii biyaha wabiga

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar iyo Suudaan inay carqaladeeyeen wadahadaladii la doonayay in lagu xaliyo khilaafka webiga Niil. Wadahadaladii ugu dambeeyay ayaa ku fashilmay eedeymo midba midka kale u jeedinayay waxaana wadahadalada lagu qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in wadahadalka uu fashilmay kadib markii Masar iyo Suudaan ay ku dhegeen arrimo muran dhaliyay oo ku saabsan saamiga biyaha Niilka.…

FIQI oo xiriiriyey cafiska loo fidiyey Janan iyo garsoorka loo doonto Al-Shabaab

Dhuusamareeb (Axadle) – Wasirka amniga dowlad goboleeedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay sababta loogu cadaalad doonto dagaalyahanada Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah u xusay waaxda garsorka. Axmed Macalin Fiqi ayaa tusaale usoo qaatay dacwadii la joojiyay wasiirkii hore amniga Jubaland Cabdirashiid Janan kaas oo dacwadiisa ay soo xireen xeer ilaalinta iyo makamadda gobolka Banaadir oo wadajir ah. Janan oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Federaalka ah ayaa gal dacwadeedkiisii la…

Xuseen Xaaji: Guul Ayeynu Ka Gaarney dagaalkii ka dhacay koonfurta Dhuusomareeb

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa bogaadiyay hawlgal militari oo Arbacadii laga sameeyay duleedka koonfureed ee caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb. Xaaji ayaa sheegay in milateriga ay Al Shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah wuxuuna ugu baaqay dadka deegaanka in ay gacan siiyaan ciidamada qaranka Soomaaliya ee dagaalka kula jira mintidiinta Al Shabaab oo cadaadis saarey degaano dhaca koonfurta magaalada Dhuusomareeb. Geesiyaashii naftooda u huray qarankeena saakay waxay la wareegeen…

Soomaalida iyo Canfarta waxay iska dileen in ka badan 100

Gobolka Sitti ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfar, kaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac xilli ay xaalad aad u daran oo bani'aadamnimo iyo caafimaad ka jirtay gobolka. Wasiirka warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in maleeshiyada Canfarta ay weerareen dad rayid ah oo u badnaa caruur iyo haween, laakiin iska caabinta dhalinyarada gobolka Sitti ay ku dileen 25 kamid ah kuwii Canfarta ee weerarka soo qaaday. Wuxuu ku eedeeyay Canfarta inay si…

Wasiir Dubbe: Shirkii hoggaanka Soomaalida waa fashilmay

Wasiirka warfaafinta ayaa ku eedeeyay Puntland iyo Jubaland inaysan diyaar u aheyn doorasho dalka ka dhacda. Cismaan Dubbe wuxuu sheegay inay nasiib daro tahay in labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland aysan ogolaan doorashada! Sikastaba, bayaan ay si wada jir ah u soo saareen DG Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda federaalka ay ku dhawaaqdo in shirkaasi uu yahay mid fashilmay. ku dhawaaqida fashilka shirka waxaa masuuliyadeeda iska leh dowlada waqtigeedu dhamaaday.…

DEG DEG: Shirkii Afisyoone oo guul-darro ku dhammaaday

Muqdisho (Axadle) – Shirkii u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee Afisyoone ayaa guul-darroo kusoo dhammaaday kadib markii lagu kala booday mid mid ah qodobadii ugu adkaa. Qodobka la isku mari waayey ayaa ahaa in ajandaha shirka lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh, islamarkaana uu madaxweyne Farmaajo mas’uuliyadda amniga ku wareejiyo ra’iisul wasaare Rooble, taasi oo Farmaajo uu ku gacan seeray. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo…

Puntland oo iska fogeysay eedeyn la xiriirta Jubaland oo bathroom jeediyey

Garowe (Axadle) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa biyo qabow ku shubtay wararka sheegaya iney kaliya garab istaag u muujineyso Jubaland oo kaliya iyadoo iska ilowday Soomaalida inteeda kale. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabay su’aasha la xiriirta iney kaliya isbaheysi la aburteen Jubbaland, wuxuuna wareysi siinayay Television-ga RTN. “Su’aashaan aad ayey iigu soo…

Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada oo isfaham ka gaaray qodob aad la isugu hayey

Muqdisho (Axadle) – Xerada Afisiyooni waxaa Barqonimadii maanta ka furmay Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya Madaxda Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir si ay uga wada-xaajoodaan ka gudubka caqabadaha hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda XIl-gaarsiinta, Shanta Madaxweyne Dowlad-Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Taandhada Afisiyooni. Shirka ayaa Maanta wuxuu ku…

Shirkii u dhexeeyey DF iyo dowlad goboleedyada oo maanta dib u billowday

Muqdisho (Caasimada Onilne) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho dib uga billowday kulankii u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo Sabtidii ka billowday Teendhada Afisyoone. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, shanta madax goboleed iyo duqa Muqdisho. Kulankan ayaa shalay dib u dhacay,…