Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Cabdullahi Maxamed Nuur: Farmaajo wuxuu shacabka kala dooransiinaa laba daran

Muqdisho (Axadle) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa shaaciyey in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu “labo mid daran doorsiinayo shacabka Soomaaliyeed.” Xildhibaanka ayaa sheegay in Farmaajo uu ku fikirayo labo arrin oo xasaasiya, kuwaasi oo ku rabo inuu kusii fadhiyo kursiga ugu sareeya dalka, amase uu dalka geliyo bur-bur hor leh, islamarkaana ay ku dhintaan dad badan kuna dhaawacmaan. Sidoo…

Daawo: Koox hubeysan Jiidka Maka Al-Mukarama ka billaabay dhac nooc

Muqdisho (Axadle) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayey dhaca dadka shacabka ah loogu geysto magaalada Muqdisho, waxaana labadii berri ee u dambeeyay kusoo korortay dhaca loo geysanayo Ganacsatada meheradaha ku leh wadada Maka Al-Mukarama. Waddada Maka Al-Mukarama oo ah aag ay dowladda federaalka gacanta ku hayso ayaa labadii habeen ee u dambeeyay waxaa dhac hor leh ka bilaabay kooxo ku hubeysan bistoolado, kuwaasi oo carwooyinka saaran wadadaas ka qaatay telefoono iyo agab kale. Ganacsatada dhaca loo geystay…

Muxuu Odowaa kala hadlay taliyaha Midowga Yurub ee Soomaaliya?

Muqdisho (Axadle) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhiga ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayey taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kor u qaadista tababarka ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan. Odowaa…

Xiisad ka dhex Aloolsan ciidamo ka tirsan DF

Muqdisho (Axadle) – Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xiisad ka dhalatay muran iyo is qab-qabsi hareeyey dhul ku yaalla agagaarka iskuul Buluusiya, halkaas oo ay isku heystaan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhulkan la’isku heysto ayaa ah goob Qabuuro oo ku taal dhanka xeebta ee degmada Xamarjajab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in xiisaddani ay timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Badda ay isku dayeen inay dhismo ku bilaabaan…

Maxay Isku Qilaafeen Janan iyo Axmed Madoobe?

Muqdisho (Axadle) – Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo dhowaan heshiis la galay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah gaar ahaan xaaladda dowlad goboleedkaasi. Janan ayaa marka hore shaaca ka qaaday arrimaha ay isku qabteen Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyey in kaliya uu doonayo inuu noqdo qofka ugu sarreeya iyo kan ugu hooseeya ee Jubbaland, isla-markaana uusan waxba u ogleyn qof kale, sida uu hadalka u dhigay. “Saaxiibkey Axmed Madoobe…

UN waxay ugu baaqeysaa DFS iyo DG inay xal ka garaan khilaafka siyaasadeed

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu yeeray mas'uuliyiinta iyo mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya inay xalliyaan "dhibaatada" ayna qabtaan "doorashooyin loo dhan yahay" sida ugu dhaqsaha badan ka dib kulan deg deg ah oo albaabadu u xiran yihiin oo ka dhacay. Magaalada New York. Qoraal ay si wada jir ah uga soo saareen dowladda Ingiriiska, 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa waxay ku muujiyeen "inay ka walaacsan yihiin" xiisadda doorashada ee ka taagan Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen hogaamiyayaasha dalka inay…

Beesha Caalamku waxay ku fashilantay soo ururinta hogaamiyayaasha

Muddo bil ku dhow ayay dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida ku sugnaayeen magaalada Muqdisho waxayna khilaaf kooda ku saleysan yahay hanaanka doorashada dalka oo dib u dhac uu ku yimid. Dhanka kale, dadaalka ay wadaan wakiilada Beesha Caalamka ee ku aadan in la qabto kulan guud oo ay la qaataan hogaamiyaasha Soomaalida si loo xaliyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ayaan wali joogsan. Hogaamiyayaasha federaalka ayaa kuwa maamul goboleedyada ku eedeyey inay diidan yihiin kaqeybgalka kulanka guud ee ay…

Rooble oo ka baxaay Balankii Beesha caalamka

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay ka baxay ballan uu ka qaaday beesha caalamka oo aheyd inuu la kulmayo madaxda shanta madaxweyne goboleed, si loogu guuleysto qabsoomidda shirka madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada. Rooble ayaa galabkii Taaladadii xafiiskiisa kula kulmay wakiilada beesha caalamka, kuwaas oo ku cadaadiyey inuu kaalintiisa hoggaamineed qaato oo uu la kulmo madaxda maamul goboleedyada, islamarkaana gacan ka gaysto sidii…

Xog:Xildhibaanadda MURSAL ka dhaadhiciyey ka laabashadda go’aankii

Muqdisho (Axadle) – Warar ay heshay Axadle ayaa sheegaya in guddoomiyaha golaha shaacbka Maxamed Mursal ka noqday go’aankii uu 15 xildhibaan uga mamnuucay muudo shan fadhi ah inay kasoo qeyb galaan, taas oo abuurtay buuq iyo jahwareer soo wajahay golaha. Xildhibanadaan waxay buuq ka sameyeen kulan ay Sabtida todobaadkaan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka, waxayna diidanaayeen in mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xildhibanadaan oo ah kuwa mucaradka ah…

KENYA oo DF u jeedisay eedeyn yaab leh oo la xiriirta weerarkii Ceel-Cadde ee 2016

Nairobi (Axadle) – Kenya ayaa ku eedeysay hay’adaha amniga Soomaaliya inay ogaayeen weerarkii Al-Shabaab ay 15-kii January 2016 ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dilay 150 askari oo Kenyan ah. Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, eedeyntan yaabka leh ayey Kenya ku sheegtay dokumentiyada ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee la xiriira kiiska dacwadda badda…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.AcceptRead More