Gobaladda Waqooyi oo xukun adag ku ridday askarigii dilay

Hargeysa (Axadle) – Gobaladda Waqooyi ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwadda kiiskii dilka ee bilowgii bishii Julay ee sanadkan gudaha Jaamacadda Camuud qeyb-teeda Boorame ee Awdal loogu geystay Allaha u naxariistee marxuum Ibraahim Cabdishakuur.

Maxkamadda ciidamada ee Gobaladda Waqooyi oo iyadu kiiskan gacanta ku heysay ayaa maanta ku dhowaaqday in xukun dil toogasho ah lagu ridday Cismaan Diiriye Buraale oo ah askarigii ka dambeeyey dilka marxuumka oo xilligaas ka mid ahaa ardayda Jaamacadda Camuud.

Sidoo kale askariga geystay falkan dilka ah ee la xukumay ayaa ka mid ahaa ciidamada waardiyeyneysay dhismaha Jaamacadda.

Sida ay shaacisay maxkamadda oo fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiskan Cismaan Diiriye agu helay falka dilka ah ee lagu soo eedeeyey, kadib marqaatiyo & cadeymo lagu helay.

Dilka Ibraahim Cabdishakuur oo 21 sano jir ahaa, kana soo jeeday Puntland, gaar ahaan Boosaaso ayaa dhaliyey caro xoogan, maadaama lagu dilay Jaamacaddii uu dhiganayey.

Gobaladda Waqooyi oo iyadu deegaanadeeda uu ka dhacay dilkan ayaa soo fara-gelisay arrinta, waxanyna shacabka ugu baaqday inay is dajiyaan, iyada oo sidaas lagu xiray askarigii geystay dilka oo ay maanta xukun adag ku ridday maxkamadda milatariga ee Gobaladda Waqooyi.

Xukunkan ayaa waxaa sidoo kale aad usoo dhoweeyey ehellada marxuumka, ardayda jaamacadda iyo guud ahaan shacabkii ka carooday dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

AUN Ibraahim Cabdishakuur ayaa waxa uu dhiganayey sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka ee Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More