Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Biden prolongs sanctions on Ethiopia’s conflict in light of persistent instability in the Horn of Africa.

Biden Extends Sanctions on Ethiopia Amid Ongoing Instability Mogadishu (AX) — U.S. President Joe Biden has chosen to prolong sanctions aimed at specific individuals and groups entangled in Ethiopia's persistent conflict. This decision sustains a national emergency declaration originally set to lapse on September 17, 2024. The sanctions, established under Executive Order 14046, will stay in place for an additional year, as Biden seeks to confront what he deems a sustained threat to American national security and…

Nin hubeysnaa oo sadax Israa’iiliyiin ah ku dilay xadka Urdun iyo Daanta Galbeed

Isniin, September, 9, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar uu ka geystay xaduuda u dhaxeysa Urdun iyo Daanta Galbeed ee la heysto nin u dhashay dalka Urdun oo watay gaari xamuul ah. Ninkaan weerarka fuliyay oo ah Darawal ayaa magaciisa lagu sheegay Maher Jazi, kaasoo weerarka ka fuliyay meel u dhaw buundada Allenby ee ka soo gudubta dhanka Urdun isagoo watay gaariga xamuul ah. Saraakiil ka tirsan Militariga dalka Israa'iil ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ninkaan uu rasaas ku furay ciidamada difaaca…

Xil Ciid: Villa Soomaaliya ayaa ka dambeysa in xildhibaanada laga mamnuuco inay saxaafadda kula hadlaan baarlamanka

Isniin, September, 9, 2024 (AX) - Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si adag uga horyimid go’aan dhawaan kasoo baxay guddoonka baarlamaanka, kaasoo xayndaabka baarlamaanka ka mamnuucaya in xildhibaanadu ay ku qabtaan shir jaraa’id ama wareysi saxaafadeed. Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid, oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa sheegay in go'aankan uu yahay mid lagu caburinayo saxaafadda, isagoo ku eedeeyay in uu yahay tallaabo ay ka dambeyso Aqalka Soomaaliya. “Waxaa nasoo gaartay in baarlamaanka…

Waqooyi Bari oo sheegtay in dowladda Federaalka ay deeqaha waxbarasho u diidday ardayda Waqooyi Bari

Isniin, September, 9, 2024 (AX) - Waqooyi Bari ayaa sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ardayda  reer Waqooyi Bari u diidday deeqaha waxbarasho ee caalamka looga helo magaca Soomaaliyeed. Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Waqooyi Bari, Cabdirisaaq Axmed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay deeqaha waxbarasho inay qeyb ka yihiin mashaariicda dowladda Federaalka ay ka hor istaagtay dadka reer Waqooyi Bari sida uu hadalka u dhigay masuulkan. Agaasimaha tacliinta…

Hogaamiye Laftagareen "25-kii Xildhibaan ee taageertay rabitaanka Shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-kii SYL

Isniin, September, 9, 2024 (AX) - Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si adag uga hadlay xiisaddii dhawaan ka dhalatay taageeradii reer Koonfur Galbeed u muujiyeen joogitaanka ciidamada Itoobiya. Hogaamiye Laftagareen ayaa ugu horeyn ku tilmaamay ceeb iyo wax laga xumaado hadaladii kasoo yeeray reer Muqdisho, islamarkaana ay ahayeen kuwa kala dhantaalaya midnimada shacabka Soomaaliyeed. “Hadii ay Soomaalinimo jirto reer Koonfur-galbeed ayey ka bilaabataa, Muqdisho waxa…

Collision involving a fuel tanker truck in the north-central region.

Tragic Collision Claims Over 50 Lives in Niger State In a devastating accident on Sunday, a catastrophic explosion left at least 52 individuals dead, caused by a collision between a fuel tanker and a truck, according to Niger's emergency management officials. The fuel tanker, transporting both fuel and livestock, was involved in the incident in Agaie, a locality in north-central Niger state. Abdullahi Baba-Arab, the director-general of the Niger State Emergency Management Agency, reported that an estimated 50 cattle…

Wasiirrada caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo muujiyay cabasho ka dhan ah wasaaradda caafimaadka DFS

Isniin, September, 9, 2024 (AX) - Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya inay meesha ka saartay wadashaqayntii ay la lahayd dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir Warqad ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku sheegeen inay walaac ka qabaan fashilinta Wasaaraddu ee fulinta mashaariicda horumarinta caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku lug leh maalgelinta muhiimka ah iyo wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah. Waxay ku eedeeyeen wasaaradda caafimaadka…

Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi oo markale diiday dacwada Xildhibaan Maxamed Abiib, iyo cambaaraynta xadhigiisa oo sii kordhaysa

Axad, September, 8, 2024 (AX) - Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi ayaa markale cod aqlabiyad ah ku diiday eedaha loo haysto Xildhibaan Maxamed Abiib, sidookale, cambaaraynta ka dhan ka ah xadhigiisa ayaa sii kordhaysa. Golaha Wakiillada ayaa fadhi ay maanta yeesheen markii labaad diiday, dacwado ka dhan ah xildhibaanka, iyaga oo diiday waraaq xeer ilaalinta uga timid oo golaha lagaga codsanayay in uu ansxiyo sheegashada xeer ilaalinta ee ah in la qabtay isaga oo danbi faraha kula jira, 43 kamid ah 47 xildhibaan oo golaha…

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukun kala duwan ku riday askar ka tirsaneyd ciidanka dowladda

Axad, September, 8, 2024 (AX) - Maxkamadda sare ee Ciidmada Qalabka Sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday laba askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya. Maxkamadda ayaa xukun dil toogasho ku riday Dable Nisa Mahad Cali Cabdi oo ah qisaasta Marxmuun Cabdiraxmaan Cismaan Muuse, halka Dable Bol Cadnaan Muuse Maxamed Maxkamaddu ku xukuntay lix sano oo xabsi ciidan ah. Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse ayaa 27-kii bishii lixaad ee sanadkaan u geeriyooday is rasaaseyn dhex martay labada askari ee…

Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Sabti, September, 7, 2024 (AX) - Qaar kamid ah Culima'awdiinka Soomaaliyeed ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay si adag uga hor yimaadeen damaca Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed, iyagoo muujiyay taageeradooda xiriirka Masar ee Soomaaliya. Kulankan ayaa culimadu si cad uga digeen xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliya, iyagoo sheegay in aysan aqbali karin, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago. Culimadu waxay si weyn u soo dhoweeyeen xiriirka Masar ee Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in Masar…