Maxaa Dhaliyay Shakiga laga muujinayo Fadhiga

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo la gaarsiiyay wargelinta kulankooda maanta ayaa la ogeysiiyay in fadhiga uu yahay mid looga hadlayo xaaladda Dalka gaar ahaan xannuunka Covid-19 sida ku xusan fariinta la faafiyay.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa shaki geliyay in ay xiligaan ka hadlayaan Xaaladda Covid-19 oo hoos u dhac ku yimid kiisaska la diiwaangeliyo marka la barbar-dhigo todobaadyadii lasoo dhaafay.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka falceliyay ballaminta kulankooda maanta ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri:

“Dulqaadka Xildhibaanada in qalad loo fahmo ee maalin walba qorshe Farmaajo gadaal ka riixayo Golaha Shacabka lala hor yimaado waa ceeb iyo foolxumo. Mana aqbalayno” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Xildhibaanno kale oo la aragti ah Mahad ayaa Axadle u sheegay in fadhiga maanta ay tagaan balse aysan aqbali doonin haddii loosoo bandhigo ajande ka baxsan kan lagu ballamiyay maadaama shaki badan uu ku jiro.

Xildhibaanno tiro ahaan gaaraya 100-mudane oo todobaadkii tagay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa soo bandhigay damac ay sheegeen in hogaamiyayaasha muddo xileedkoodu dhammaaday wataan taas oo ah in waqti kordhin loo sameeyo.

Waxaase ay ka digeen in hay’adda xeer dejinta oo ay katirsan yihiin in ay horseedo waqti dheereysi sababi kara muran, khilaaf horleh & faragelin shisheeye oo wakiilada Beesha Caalamka ay ku sameeyaan arrimaha Soomaaliya.

Maxaa keenay Shakiga laga Ajendaha & Kulanka Golaha Shacabka?

Shakiga dabcan waxa dhaliyay waxa ay dadka qaar ku sifeeyay arrimo dhowr ah oo is biirsaday oo kala ah:

Fadhiga Golaha Shacabka oo aan qabsoomin 45-Cishe, waqtigaas dalka dhinacna ugama gudbin muranka hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka oo waxaa isku dhegen dhinacyadii saxiixay heshiiskii 17-kii September 2020, waxaana ka dhalan karta in Baarlamaanka uu soo farageliyo.

Arrinta labaad waa hadal jeedinta Xildhibaannada ku shiray Muqdisho maalmo kahor oo soo bandhigay damaca Villa Somalia oo Xukuumadda usoo mareysa waqti dheereysi qiil looga dhigayo in lagu heshiin waayay Doorashooyinka.

Shakigaas waxaa sii xoojiyay warqado marar kala duwan kasoo baxay Beesha Caalamka oo lagu sheegay in aan la aqbali doonin muddo kororsi, taasi waxa ay sii damqisay boogta siyaasadeed aan dahaarka weyn saarneen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More