Kulanka musharixiinta oo maanta looga doodayo guddiyada

Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa  maalintii 2aad ka socda shirka Wadatashiga ee Midowga Musharaxiinta Hogaamiyaha Soomaaliya, iyadoo shirka uu weli yahay mid albaabada u xiran oo saxaafadda kaliya loo ogol yahay in ay muuqaalo iyo sawirro ka qaataan ka hor inta aanay doodda bilaabin.

Shirka waxaa ka qeyb galaya ilaaa 13musharax madaxweyne, waxaana maanta oo axada diiradda lagu saarayaa arrinta muranka weyn ka jirta ee guddiyada doorashada ee dowladda iyo maamul goboleedyada dalka ay soo magacaabeen.

Waxaa xalay jiray kulan dhex maray Musharaxiinta Hogaamiyaha ee ka soo jeeda Galmudug ay la qaateen Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana si adag looga dooday arrinta guddiga doorashada Galmudug ee uu soo magacaabay Qoor qoor.

Warbixinta kulankaas ayaa lagu soo bandhigayaa kulanka maanta, waxaana Musharaxiinta kalena ay xiriiro khadka taleefanka la sameyn doonaan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kale, sigaar ah madaxweyne-yaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed si ay ugala hadlaan arrinta guddiga ee ay soo magacaabeen Hogaamiyaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Musharaxiinta Hogaamiyaha ayaa ku cadaadinaya dowladda Federaalka in ay dib u eegis ku sameyso Guddiga doorashada oo ay wax ka bedesho xubnaha guddiyada oo ay sheegeen in aanay dhex dhexaad aheyn ayna yihiin saraakiil ciidan iyo shaqaale dowladeed inkastoo aysan soo bandhigin cadaymo muujinaya dhaliishooda.

Guddiga ay soo magacaabeen Maamuladda Galmudug,Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed iyo kuwa ay soo magacaawday Xukumadda Soomaaliya ayaa dhankooda sii wata kulamada iyo tababarada looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya, waxaana muuqata in Dowladda ku kor shaqaynayso dhaliisha ka imaanaysa Saamilayda Siyaasadda Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa la soo gabagabeyn doonaa maalinta berri, waxaana laga soo saari doonaa war murtiyeed looga hadlayo xaalada siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More