Iran oo wacad ku martay In ay ka jawaabayso isku day kasta

Calanka Iran ayaa lagu sawiray meel u dhow gantaal inta lagu guda jiro dhoolatus militari, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan cutubyada difaaca cirka ee Iran, Iran Oktoobar 19, 2020. REUTERS

Iran ayaa axadii wacad ku martay in ay ka adkaaneyso isku day kasta oo Israel ay ku dooneyso in ay ku waxyeeleyso doorkeeda Syria, iyadoo sheegtay in xilligii weerarada “ku dhufo ee ka dhaqaaq” ee Israel ay ka dhamaatay Suuriya, maalmo kadib markii Israel ay fulisay duqeymaha cirka oo ka dhacay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Syria iyo bartilmaameedyada Iran ee dalkaasi.

Israel, oo u aragta Tehraan halista ugu weyn ee amniga, ayaa dhowr jeer weerartay bartilmaameedyada Iran iyo kuwa maleeshiyada xulafada la ah ee Syria ku sugan, halkaas oo Tehran ay taageerto madaxweyne Bashar al-Assad iyo ciidamadiisa ka soo horjeedda fallaagada iyo mintidiinta tan iyo 2012.

Arbacadii, afhayeen u hadlay militariga Israel ayaa sheegay in sideed bartilmaameed ay weerareen, oo ay ku jiraan xarunta Iran ee garoonka diyaaradaha caalamiga ee Dimishiq iyo “goob milatari oo qarsoodi ah” oo ay u adeegsato “xarun marti gelinaysa wufuudda sare ee Iran markay tagaan Syria si ay u shaqeeyaan”.

Afayeenka wasaarada arimaha dibada ee Iran Saciid Khateebzadeh ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee todobaadle ah: “Maamulka Sionist (Israel) waa in uu sifiican ula socdaa in xilligii gardarada iyo orodku dhamaaday sidaa darteedna ay aad uga taxadarayaan.”

Iran ayaa beenisay in ay ciidamo milatari ah ka joogaan Syria waxayna sheegtay in ay u dirtay dalka ciidamo kumaandoos ah oo la taliyayaal militari ah Tehran waxa ay intaasi ku dartay in ay la taliyaal milatari siineyso Syria ilaa iyo inta looga baahdo.

Khatibzadeh ayaa yiri “Joogitaanka Iran ee Syria waa la talin dabiici ah hadii qof carqaladeeyo joogitaankan latalinta ah, jawaabtayadu waxa ay noqon doontaa mid wax burburin ah”.

Kormeerayaasha Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha, kormeerayaasha dagaalka, ayaa sheegay in ugu yaraan 10 qof, oo ay ku jiraan shan Iiraaniyiin ah oo ka tirsan Quds Force, qeyb ka mid ah ilaalada kacaanka Iran ee mas’uulka ka ah hawlgallada ka baxsan xudduudaha Iiraan, lagu dilay duqaybta intii uu socday weerarka.

“Ma xaqiijinayo shahiidnimada ciidamada Iran ee Syria,” ayuu yiri Khatibzadeh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More