General Muqtaar Wasiirka arimaha gudaha oo lagu eedeeyay in

Wasiirka cusub ee arimaha gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukumadda Soomaaliya Generaal Muqtaar Xuseen Axmed .

Wasiirka cusub ee arimaha gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukumadda Soomaaliya Generaal Muqtaar Xuseen Axmed ayaa lagu eedeeyay  uu xoog ku haysto guri  ku yaalla degmada Warta nabada ee Gobolka Banaadir isaga oo aan wax kira ah ka bixin mudadii uu halkaasi daganaa sida ay sheegeen qoys sheeganaya milkiyada guriga uu daganyahay.

Qoyska reer Axmed  Daahir Xasan ayaa qoraal ay u direen Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, warbaahinta guduha iyo shacabka Soomaaliyeed, ayay ku codsadeen in la siiyo kirada gurigooda oo ku yaalla agaagaarka xarunta Radio Muqdisho ee Caasimadda Wadanka.

Qoyska ayaa ku doodaya in uu gurigaan lahaa Aabahoood  oo ahaa qareen dhintay sanadkii 2003, gurigoodana uu Generaal Muqtaar ku dagay si xoog ah isaga oo aan wax kiro ah ka bixin sida ay ku cadeeyaan Qoraal ay soo saareen.

Qoyskaan ayaa sanadkii 2017 qareen ka qabsaday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,waxaana Generaal Mukhtaar laga dalbaday kirada  guriga uu degganaa 2008 ilaa 2017 oo dhan $216,000, mudo ku siman 45 cisho.

Halkaan ka aqri warqad uu qoray Koki Mbulu oo wakiil ah qoyskaan.

122528074 758069524921869 6159520633544827595 n

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More