Faransiiska oo Qaaradda Yurub hoggaanka u qabtay Covid-19! –

Dalka Faransiiska ayaa kaalinta 1-aad kasoo galay kala sareynta waddamada cudurka Covid-19 kiisaska ugu badan laga diiwaangeliyay ee Qaaradda Yurub, kadib markii uu ka sare maray dalka Ruushka.

Guud ahaan kiisaska laga helay Faransiiska waa 1,922,504 (Hal milyan, sagaal boqol, labaatan & labo kun, shan boqol & afar), halka dhimashu tahay 43,892 (Afartan & saddex kun, siddeed boqol, sagaashan iyo labo), waxaana ka caafimaaday cudurka 137,155 (Boqol, soddon & todobo kun, boqol, Konton & shan).

Marka laga soo gudbo Qaaradda Yurub, booska 4-aad ayuu Faransiiska galay kala sareynta guud ahaan Caalamka, waana tan keentay in mar qura Xukuumadda Paris xawaare sare ku gudubto waddamo dhowr ah.

Faransiiska waxa uu dalalka Halka malyan gaaray kiisaska cudurka uu uga duwan yahay in xitaa aan haaf malyan ka caafimaadin Covid-19, maadaama jirkooda uu ku dambeeyo 1,741,457 (Hal malyan, todobo boqol, afartan & kow kun, afar boqol, konton & todobo).

Waaxda Caafimaadka Faransiiska ayaa xal u raadineysa faafitaanka Coronavirus, waxa ay ka shireen qaabka ugu fudud ee lagu joojin karo isu imaatinka Bulshada, maadaama digniinta soo laba-kacleynta cudurka aad looga cabsanayo.

Shalay oo kaliya Faransiiska waxaa laga diiwaangeliyay 23,794 (Labaatan & saddex kun, todobo boqol, sagaashan & afar), inkasta oo aan maanta lasoo gudbin wax kiisas ah, waa suuragal in tiradu intaas ka badato waa haddii la diiwaangeliyo natiijooyin cusub.

Isha: World Meters /  Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More